Mourinho oo taageeray go’aanka Zidane ee mid kamid ah xidigihiisa loogu yeeray xulka France

José Mourinho ayaa ka hadlay go’aanka Zinedine Zidane ee ah in Aurélien Tchouaméni loogu yeero xulka qaranka France, isagoo sheegay in go’aanka Zidane ay tahay in la ixtiraamo, isla markaana uu aaminsan yahay inuu garanayo waxa ugu fiican ciyaaryahanka.

Mourinho ayaa yiri: “Ma aqaan qorshaha Zidane, laakiin waa inaan ixtiraamnaa go’aankiisa.”, Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale sheegay inuusan si toos ah ula hadlin Zidane, balse uu ku kalsoon yahay in halyeeyga France uu yahay qof caqli badan oo go’aan sax ah ka gaari kara xaaladda Tchouaméni.

“Zidane lama aanan hadlin, laakiin waa nin caqli iyo faham leh, wuxuuna ogaan doonaa waxa isaga ugu fiican,” ayuu Mourinho yiri.

Mourinho ayaa qiray in aysan fududeyn in la ogaado waxa Tchouaméni xilligan ugu faa’iido badan, iyadoo laba doorasho ay jirto: inuu kooxda sii joogo oo tababar qaato ama inuu xulka France u ciyaaro oo uu helo daqiiqado tartan ah, Si kastaba, Mourinho wuxuu aaminsan yahay in xalka ugu wanaagsan uu noqon karo in Tchouaméni uu u ciyaaro France, balse daqiiqado si wanaagsan loo xakameeyay, si aan culeys badan loo saarin isla markaana horumarkiisa loo sii wado.

“Ma garanayo waxa isaga ugu fiican—inuu halkan sii joogo oo tababar sameeyo ama inuu France u ciyaaro oo uu daqiiqado helo, Waxaa laga yaabaa in doorashada ugu fiican ay tahay inuu France u ciyaaro, iyadoo daqiiqadihiisa la xakameynayo, taas oo u oggolaaneysa inuu horumarkiisa sii wato,” ayuu Mourinho ku daray.

Ugu dambeyn, Mourinho wuxuu muujiyay kalsooni weyn oo uu ku qabo Zidane, isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in tababaraha reer France uu si wanaagsan u maareyn doono xaaladda Tchouaméni.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga