Arsenal oo kafakareysa qaadashada Xidigii Real Madrid waa kuma ?

Arsenal ayaa la sheegay inay la socoto xiddiga Como ee Nico Paz, iyadoo laga yaabo inay isku daydo inay la soo saxiixato suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Si kastaba, Real Madrid ayaa weli gacanta ku haysa mustaqbalka ciyaaryahanka, maadaama ay haysato qodob dib loogu soo iibsan karo oo qiimihiisu yahay qiyaastii £68.7 milyan, kaas oo dhaqan geli kara xagaaga 2027.

Paz oo 22 jir ah ayaa si weyn uga dhex muuqday Como, isagoo xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 12 gool, 6 caawinna bixiyay, waxaana uu heshiis la leeyahay kooxda Talyaaniga ilaa 2028.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga