Maldini oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta isagoo cabsan inu gaari kaxeeyey, kadib shil ………….

Daniel Maldini, oo ah wiilka halyeeyga AC Milan iyo Talyaaniga Paolo Maldini, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta wadista gaari isagoo khamri cabsan, waxaana si ku-meel-gaar ah loo hakiyay liisanka darawalnimadiisa kadib shil ka dhacay Talyaaniga.

Maldini oo 24 jir ah ayaa sida wararku sheegayaan shil galay subaxnimadii Axadda abaare 5:15, xilli uu watay gaari Porsche Carrera 4 ah oo ay la socdeen saddex qof, Wararka ayaa sheegaya in Maldini uu ku guuldarreystay inuu jidka siiyo gaari Volkswagen Golf ah oo ay saarnaayeen laba qof. Golf-ka ayaa kadib ku dhacay Mercedes SUV oo meel taagnaa.

Shilka ayaa ka dhacay isgoys ku yaalla waqooyiga magaalada Milan, Dhammaan lixda qof ee ku lugta lahaa shilka ayaa la sheegay inay heleen dhaawacyo fudud, iyadoo qaar goobta lagu daweeyay halka kuwo kale isbitaal loo qaaday, Maldini ayaa isbitaalka Fatebenefratelli ee Milan loo qaaday, balse markii dambe waa laga sii daayay.

Sida wararka laga soo xigtay ilo maxalli ah, baaritaankii dhiigga ee Maldini ayaa lagu ogaaday heer khamri oo gaaraya 0.91 garaam halkii litir, halka baaritaankii labaad uu noqday 0.89 g/l, Xadka sharciga ah ee Talyaaniga ayaa ah 0.5 g/l, Taasi waxay keentay in Maldini uu wajaho dacwad la xiriirta wadista isagoo khamri ku jira, iyadoo sidoo kale liisankiisa la hakiyay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in booliisku goobta shilka ka qaaday baaritaan degdeg ah oo daroogo, kaas oo natiijo hordhac ah muujiyay wax loo fasiray inuu yahay positive, Si kastaba, baaritaankaas hordhaca ah ma aha natiijada kama dambaysta ah. Maldini ayaa markii dambe baraha bulshada kusoo bandhigay natiijo baaritaan oo uu sheegay inay muujinayso in walxaha daroogada sharci-darrada ah ay negative yihiin.

Arrintan ayaa dhacday wax yar kadib markii Daniel Maldini uu gool rigoorayaal ah ku dhaliyay Cagliari, kaas oo kooxdiisa u noqday goolka guusha, Sidaas darteed, ciyaaryahanka ayaa 24 saacadood gudahood wajahaya xaalad aad uga duwan: isagoo garoonka ku noqday geesi, kadibna lagu soo oogay dacwad la xiriirta shil gaari, Qareenka Maldini, Danilo Buongiorno, ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo wararka, Dhanka kale, Cagliari ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka uu maray baaritaanno toxicology ah, iyadoo arrinta weli ay gacanta ku hayaan hay’adaha ay khuseyso.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga