Xiddiga FC Barcelona, Lamine Yamal, ayaa si cad u sheegay inuu aaminsan yahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu mudan ku guuleysiga Ballon d’Or 2026, isagoo sidoo kale tilmaamay in tartanka ugu weyn uu isaga iyo Kylian Mbappé u dhexeeyo.
Yamal oo wareysi siiyay Movistar ayaa sheegay inuu si daacad ah u aaminsan yahay in waxqabadkiisa iyo koobabkii uu ku guuleystay ay ka dhigayaan musharraxa ugu weyn abaalmarinta.
“Si daacad ah ayaan u aaminsanahay in haddii laga hadlayo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka, laga yaabo inaan laba nahay,” ayuu yiri Yamal, isagoo ula jeeday isaga iyo Mbappé.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay inaan sanadkan mudanahay inaan ku guuleysto Ballon d’Or, sababtoo ah waxa aan ku guuleystay. Arrintu aad bay u cad tahay, qof kasta oo daawada ciyaaraha wuu ogaan karaa, Yamal ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Mbappé ay yihiin labada ciyaaryahan ee ugu fiican kubadda cagta adduunka xilligan.
Xiddiga Barcelona ayaa xusay magacyada halyeeyada waaweyn ee kubadda cagta sida Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Diego Maradona, balse wuxuu sheegay inuusan xasuusan ciyaaryahan da’diisa oo kale ku gaaray waxyaabaha uu isaga gaaray:- “Waxaa jiray ciyaartoy waaweyn sida Messi, Cristiano iyo Maradona, laakiin waxaan aaminsanahay inaysan jirin qof horey da’ aad u yar ku gaaray dhammaan guulahan.”
Yamal ayaa sidoo kale sheegay inuusan doonayn in guulaha uu horey u gaaray ay sababaan inuu hoos u dhigo hamigiisa, Wuxuu sheegay inuu ogyahay in weli ay jiraan waxyaabo badan oo uu doonayo inuu gaaro si uu magaciisa uga dhex sameeyo taariikhda kubadda cagta.
Markii wax laga weydiiyay Koobka Adduunka, Yamal wuxuu sheegay in xitaa markii uu ku guuleystay uusan si buuxda ugu qanacsanayn qaab ciyaareedkiisa, Wuxuu caddeeyay in dhaawac uu qabay uusan sabab u ahayn dareenkaas, “Ma aanan faraxsanayn kadib markii aan ku guuleystay. Arrinta dhaawaca waa sax, laakiin wax xiriir ah lama laha. Haddii aan mar kale Koobka Adduunka ku guuleysan lahaa waqti kale, waxaan dareemi lahaa sidaas oo kale xitaa haddii aanan dhaawac kasoo laaban,” ayuu yiri.
Yamal ayaa sheegay inuu dareemayo inuu wax badan qaban karay intii uu tartanka ku jiray, inkastoo uu sameeyay waxyaabo badan oo aan dadku si weyn u arkin.
Yamal ayaa tusaale u soo qaatay awooddiisa uu ku soo jiidan karo dhowr ciyaaryahan oo difaac ah hal mar, taasoo uu sheegay inay tababarayaasha u tahay arrin aad u qiimo badan.
Si kastaba, wuxuu qirtay inuusan weli ku qanacsanayn waxqabadkiisa, “Waxaan ogahay inaan wax badan qaban karay. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan gaaro tartanka xiga.”
Hadallada Yamal ayaa imaanaya xilli Ballon d’Or 2026 uu mar kale noqday tartan si weyn loogu loollamayo, iyadoo Yamal iyo Mbappé ay ka mid yihiin magacyada ugu waaweyn ee loo saadaalinayo abaalmarinta.
Be the first to comment