DIB U-EEGID :- Barcelona oo Taariikh dhigtay & YAMAL oo rikoor cajiib ah isku qoray ……….

Barcelona ayaa sii wadatay bilowgeeda cajiibka ah ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/2027, kaddib markii ay 4-2 kaga adkaatay Levante kulan ka dhacay garoonka Ciutat de València.

Guushan ayaa ahayd tii 5-aad ee Barcelona ay ka gaarto horyaalka xilli ciyaareedkan, waxaana kooxda reer Catalonia ay gaartay 15 dhibcood, iyadoo sii haysata hoggaanka horyaalka Spain. Levante ayaa dhankeeda ku haray 5 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 13-aad.

Xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal ayaa mar kale noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan Barcelona, isagoo kulankan dhaliyay laba gool, Sida laga soo xigtay shabakadda tirakoobka Squawka, Yamal ayaa hadda ku lug yeeshay 9 gool afartii kulan ee ugu dambeysay.

Afartaas kulan, Yamal ayaa laba gool ka dhaliyay Rayo Vallecano, laba gool ka dhaliyay Valencia, halka kulankii Feyenoord uu dhaliyay hal gool isla markaana bixiyay laba caawin, ka hor inta uusan Levante ka dhaliyay labo gool, Yamal ayaa sidoo kale gaaray rikoodh uu kula siman yahay halyeeygii Barcelona ee Lionel Messi, Labadooduba waxay noqdeen ciyaartoydii Barcelona ee qarnigan ku dhaliyay saddex brace shantii kulan ee ugu horreeyay ee kooxdooda xilli ciyaareed.

Messi ayaa sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2012/2013, halka Yamal uu rikoodhkaas gaaray xilli ciyaareedka 2026/2027, Dhanka kale, Raphinha ayaa isna taariikh gaar ah sameeyay,  Xiddiga reer Brazil ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Barcelona tan iyo Messi xilli ciyaareedkii 2017/2018 ee ku lug yeesha ugu yaraan 9 gool shantii kulan ee ugu horreeyay La Liga xilli ciyaareed.

Raphinha ayaa ilaa hadda dhaliyay 6 gool, isagoo sidoo kale sameeyay 3 caawin, Daafaca da’da yar ee Xavi Espart, oo da’diisu ahayd 19 sano iyo 115 maalmood, ayaa isna noqday daaficii labaad ee ugu da’da yaraa qarnigan ee Barcelona gool ka dhaliya La Liga.

Ciyaaryahanka keliya ee isaga ka horreeya waa Pau Cubarsí, Guushan ayaa sidoo kale Barcelona u ahayd tii 6-aad oo xiriir ah dhammaan tartamada, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii May ee sannadkii hore oo kooxda ay gaarto lix guul oo xiriir ah.

Barcelona ayaa sidoo kale sameysay bilow weerar oo taariikhi ah, iyadoo noqotay kooxdii ugu horreysay ee gaarta 21 gool shantii kulan ee ugu horreeyay La Liga tan iyo xilli ciyaareedkii 2011/2012, Xilli ciyaareedkii 2011/2012, kooxda ayaa shantii kulan ee ugu horreeyay dhalisay 22 gool, halka Barcelona-da hadda ay leedahay 21 gool.

Sidaas darteed, guushii Levante kaliya ma aysan siin Barcelona saddex dhibcood oo kale, balse waxay sidoo kale xoojisay hoggaankeeda La Liga, iyadoo Lamine Yamal, Raphinha iyo ciyaartoyda da’da yar ay sii dhisayaan tirokoobyo iyo rikoodho cusub.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga