Xiddiga Barcelona, Rodri, ayaa ka hadlay sababihii uu uga tagay Manchester City iyo go’aankii uu ugu biiray Barcelona, isagoo sidoo kale shaaciyay in kooxda Catalan-ka ay Lamine Yamal u dooratay inuu noqdo ciyaaryahanka ay taageerayaan tartanka Ballon d’Or 2026.
Rodri ayaa sheegay in Barcelona ay leedahay saddex ciyaaryahan oo ku jira liiska 30-ka musharrax ee Ballon d’Or 2026, kuwaas oo kala ah Rodri, Lamine Yamal iyo Pau Cubarsí. Si kastaba, maamulka Barcelona ayaa go’aansaday inay taageeraan Yamal, maadaama ay u arkaan inuu yahay ciyaaryahanka ugu mudan abaalmarinta.
Rodri ayaa arrintaas sheegay inuu si buuxda u fahmayo, isagoo yiri:- “Barcelona waxay dooratay Lamine Yamal, sababtoo ah waxay u arkaan inuu yahay ciyaaryahanka ugu mudan inuu ku guuleysto abaalmarinta, Taasi waa cadaalad.”
Hase yeeshee, Rodri wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in abaalmarinta uu ku guuleysto ciyaaryahan Spanish ah, isagoo xusay guushii Spain ee Koobka Adduunka iyo sida ay ku gaareen koobka:- “Waxaan jeclaan lahaa in ciyaaryahan Spanish ah uu ku guuleysto. Kubadda cagta Spain waxay mudan tahay in mar kale la aqoonsado, sababtoo ah ku guuleysiga Koobka Adduunka waa guusha ugu weyn.”
Rodri wuxuu qirtay in muddo dheer uu aaminsanaa inuu xirfaddiisa oo dhan ku soo gabagabeyn doono Manchester City, maadaama kooxda ay siisay wax walba, isla markaana uu halkaas ku soo maray mid kamid ah jiilashii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska.
Laakiin wuxuu sheegay in isbeddelka ku yimid kooxda iyo imaatinka ciyaartoy badan oo cusub ay ka dhigeen inuu dareemo in wareeggii uu ku jiray Manchester City uu soo dhammaanayo, Rodri wuxuu sheegay inuu si dhab ah uga fikiray mustaqbalkiisa kaddib Koobka Adduunka, waxaana uu ugu dambeyn go’aansaday inuu raadiyo khibrad cusub.
Rodri ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Barcelona iyo Real Madrid ay labaduba xiiseynayeen saxiixiisa xagaagii, balse markii uu go’aansaday inuu Manchester City ka tago, doorashada Barcelona aysan ku adkaan:- “Doorashada kooxo waaweyn dhexdooda mar walba ma fududa, laakiin waxa iigu adkaa inaan aqbalo in waqtigeygii Manchester City uu dhammaaday.”
Rodri ayaa sheegay in marka uu go’aansaday inuu ka tago City, aysan adkeyn inuu oggolaado inuu ku biiro Barcelona, isagoo tilmaamay taariikhda kooxda, qaabkeeda kubadeed iyo soo jiidashadeeda, Ugu dambeyn, Rodri wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida ay wax walba u dhaceen, isagoo xusay in go’aamadiisa xirfadeed ay mar walba ku saleysnaayeen mashruuca ciyaareed iyo rabitaanka inuu sii wado ku guuleysiga koobab waaweyn.
Be the first to comment