Liverpool ayaa ku guuldarreysatay inay saddexda dhibcood ka qaadato Fulham, kaddib markii labada kooxood ay ku kala baxeen 0-0, kulan ka tirsanaa wareegga afaraad ee Premier League, Reds-ka ayaa kulanka kusoo galay saf xooggan, iyadoo tababare Andoni Iraola uu ku tiirsanaa qaar kamid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxdiisa. Waxaa safka ku jiray saxiixa cusub Bradley Barcola, halka sidoo kale ay khadka dhexe iyo weerarka kasoo muuqdeen Dominik Szoboszlai iyo Florian Wirtz.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa ku dhibtootay inay muujiso awooddeeda weerar, waxaana kooxda ku adkaatay inay abuurto fursado cadcad oo ay shabaqa Fulham ku soo taabato.
Fulham ayaa iyaduna heshay fursado dhowr ah oo ay ciyaarta ku furan kartay, balse weeraryahannada kooxda martida loo ahaa ayaa ku guuldarreystay inay fursadahaas u beddelaan goolal.
Labada kooxood ayaa qeybihii dambe isku dayay inay helaan goolka guusha, balse difaacyada iyo goolhayeyaasha ayaa si wanaagsan u shaqeeyay, taasoo keentay in shabaqyada labada dhinac ay nadiif ahaadaan ilaa dhamaadka ciyaarta, Ugu dambeyn, Liverpool iyo Fulham ayaa ku kala baxay barbardhac goolal la’aan ah, iyadoo Reds-ku ay qaateen hal dhibic oo keliya.
Natiijadan ayaa Liverpool ka dhigtay inay yeelato 6 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta 6-aad, halka Fulham ay heshay dhibicdeedii ugu horreysay xilli ciyaareedkan, waxayna ku jirtaa kaalinta 18-aad ee Premier League.
Be the first to comment