Julian Alvarez ayaa cabsi geliyay Atlético Madrid, kaddib markii weeraryahanka reer Argentina uu ka baxay tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda sababo la xiriira Xaalada jireed & awoodiisa jir ahaaneed oo aad uliidata, Alvarez ayaa haatan sugaya baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo xaaladda dhaawaciisa iyo muddada uu maqnaan karo, waxaana muuqata in fursaddiisa uu kaga qeyb geli lahaa kulanka Atlético Madrid ay Anueeta kula ciyaari doonto Real Sociedad ay aad u yaraatay.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli Atlético ay horey ula tacaaleysay dhaawacyada Alexander Sørloth iyo Pablo Barrios, taasoo xaaladda caafimaad ee kooxda ka dhigeysa mid sii adkaanaysa, Alvarez ayaa maalmo ka hor si buuxda u ciyaaray kulankii ay Atlético booqatay Liverpool, isagoo markaas markii ugu horreysay xilli ciyaareedkan ciyaaray 90 daqiiqo.
Ciyaaryahanka ayaa kulanka Anfield ka sameeyay bandhig wanaagsan, isagoo caawiyay gool uu dhaliyay Marcos Llorente, sidoo kalena sameeyay darbo xooggan oo ku qasbay goolhaye Alisson Becker inuu sameeyo badbaadin heer sare ah, Xilli ciyaareedkan Alvarez wuxuu wajahayay xaalad aan fududayn, iyadoo mustaqbalkiisa Atlético Madrid uu ahaa mid si weyn loo hadal hayay, halka uu sidoo kale tababarka kusoo laabtay si daahsan 10-kii Agoosto.
Waxaa intaas dheer inuu muddo ku dhow toddobaad ka maqnaa tababarka kooxda kaddib markii uu xanuunsaday, Ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, Alvarez wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Atlético Madrid, isagoo doonayay inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, isla markaana uu taageerayaasha kaga dhaadhiciyo goolal muhiim ah.
Kulankii Liverpool ayaa u muuqday bilow wanaagsan oo uu dib ugu soo laabanayo heerkiisii, waxaana taageerayaasha Atlético ay si weyn u sugayeen goolkiisii ugu horreeyay xilli ciyaareedkan, Balse dhibaatadan cusub ee jireed ayaa halis gelin karta qorshahaas, iyadoo hadda la sugayo natiijada baaritaannada caafimaad si loo ogaado xaaladda saxda ah ee Alvarez iyo haddii uu awoodi doono inuu ciyaaro kulanka Real Sociedad.
Atlético Madrid ayaa sidaas wajahaysa walaac cusub, iyadoo kooxda ay horey u weysay ciyaartoy muhiim ah, halka Alvarez uu ka mid yahay xiddigaha ugu muhiimsan weerarka kooxda.
Be the first to comment