Difaaca Manchester United Lisandro Martínez ayaa si caro leh uga hadlay goolka guusha ee Erling Haaland uu ka dhaliyay Manchester City kulankii Derby-ga Manchester, isagoo aaminsan in kooxdiisa lagu sameeyay cadaalad-darro.
Manchester City ayaa Manchester United ku garaacday garoonka Old Trafford, waxaana goolka guusha dhaliyay Haaland. Hase yeeshee, goolka ayaa muran weyn dhaliyay kadib markii VAR uu go’aansaday inuusan offside ku tilmaamin Enzo Fernández oo ku lug lahaa marxaladdii ka horreysay goolka.
Martínez ayaa sheegay inuusan fahmi karin sababta goolka loo ansixiyay waxa uu yiri:- “Waxaan ciyaareynaa horyaalka ugu fiican adduunka, waxaana ku jira kooxaha iyo ciyaartoyda ugu fiican adduunka, haddana waa inaan gurigeenna ku laabannaa annagoo dareemeyna in nala dulmiyay,” ayuu Martínez yiri, sida ay soo xigatay Daily Mail.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u maleynayaa inay offside ahayd. Waxa aanan fahmi karin waa xeerarka. Enzo Fernández wuxuu iga horreeyay, aniguna waan u dhaqaaqay dhankiisa, taas ayaana keentay in Haaland uu gadaal iga noqdo isagoo aan cidina ilaalin.”
Martínez ayaa sheegay in go’aanka uu si gaar ah u xanuun badan yahay, maadaama Manchester United ay ku ciyaareysay garoonkeeda, isla markaana ay derby-ga ku lumisay saddex dhibcood.
Xiddiga reer Argentina ayaa sidoo kale si adag u dhaleeceeyay sida xeerarka iyo VAR loogu sharxo kooxaha Premier League:- “Arrintani aad ayay u adag tahay, sababtoo ah waxaad lumisay Derby-ga oo aad gurigaaga ku ciyaareysay, waxaadna lumisay saddex dhibcood.”
Martínez ayaa markaas weerar ku qaaday dadka sharaxa xeerarka, isagoo sheegay in kooxaha loo yimaado xilli ciyaareed kasta oo muddo dheer loogu sharxo sida xeerarku u shaqeeyaan:- “Xilli kasta waxay uyimaadaan kooxdeena, waxayna nagu sharxaan xeerarka muddo saacad iyo bar ah, Waxay u muuqdaan kuwo aad ugu kalsoon waxa ay sheegayaan, laakiin markii dambe waxaan aragnaa shan ama lix qof oo sameynaya khaladaad sidan oo kale ah.”
Ugu dambeyn, Martínez wuxuu ku tilmaamay xaaladda mid aan la aqbali karin, iyadoo muranka goolka Haaland uu sii xoogeysanayo kadib Derby-ga Manchester.
Be the first to comment