Xiddigii hore ee reer England James Milner ayaa mar kale ku soo laabtay kooxda Liverpool FC, kaddib markii uu ka tagay Anfield xagaagii 2023, Milner ayaa Liverpool u ciyaaray intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2023, isagoo kooxda kula guuleystay koobab muhiim ah, waxaana markii uu ka dhaqaaqay Anfield uu ku biiray Everton.
40-jirkan ayaa ciyaaraha kubadda cagta si rasmi ah uga fariistay dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, balse hadda wuxuu bilaabay waddo cusub oo la xiriirta tababarka iyo horumarinta ciyaartoyda da’da yar.
Sida ay sheegtay warbaahinta The Athletic, Milner ayaa si ku-meel-gaar ah ugu soo laabtay Liverpool si uu uga caawiyo shaqaalaha tababarka ee akadeemiyadda kooxda, gaar ahaan kooxaha da’yarta, Milner wuxuu sidoo kale hadda ku guda jiraa sidii uu u heli lahaa ruqsadda tababarka heerka sare ee UEFA, taasoo ka caawin karta inuu mustaqbalka noqdo tababare xirfadle ah.
Maamulaha Akadeemiyadda Liverpool, Alex Inglethorpe, ayaa Milner ku casuumay inuu khibraddiisa la wadaago ciyaartoyda da’da yar, Wararka ayaa sheegaya in Milner uu dhammaadkii toddobaadkii hore la shaqeeyay kooxda Liverpool U11, isaga oo ka qeyb qaatay tababarka ciyaartoyda da’da yar.
Si kastaba, doorkiisa hadda ma aha mid rasmi ah oo joogto ah. Milner ma qabanayo masuuliyadda koox gaar ah, balse wuxuu caawinayaa shaqaalaha tababarka ee akadeemiyadda, iyadoo sidoo kale loo qorsheeyay inuu la shaqeeyo kooxo kala duwan.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee Milner uu ka shaqeeyo Akadeemiyadda Liverpool. Xitaa intii uu weli ahaa ciyaaryahan kooxda koowaad, wuxuu horey uga caawiyay tababarada ciyaartoyda da’yarta, Liverpool ayaa sidoo kale fursad siisa ciyaartoydii hore ee doonaya inay bilaabaan xirfadda tababarenimo. Conor Coady ayaa hore uga soo shaqeeyay kooxda U21, halka daaficii hore Tom Clayton dhawaan loo magacaabay kaaliyaha tababaraha Liverpool U16.
Sidaas darteed, soo laabashada Milner waxay noqon kartaa tallaabadii ugu horreysay ee uu ku bilaabayo mustaqbalkiisa cusub ee tababarenimo, isagoo khibraddii uu ka helay 20 sano oo kubadda cagta ah u gudbinaya jiilka cusub ee Liverpool.
Be the first to comment