Messi oo taariikh cusub qoray kadib markii loo magacaabay Ballon d’Or – Rikoor cusub oo aan la gaari doonin

Xiddiga reer Argentina iyo Inter Miami, Lionel Messi, ayaa mar kale taariikh ka sameeyay kubadda cagta kadib markii lagu daray liiska musharraxiinta Ballon d’Or 2026, iyadoo uu gaaray rikoor cusub oo ku saabsan tirada jeer ee loo magacaabay abaalmarintan, Majaladda France Football ayaa dhawaan shaacisay liiska musharraxiinta Ballon d’Or ee sanadkan, waxaana liiska ka dhex muuqda Messi oo hadda 39 jir ah. Xafladda lagu bixinayo abaalmarinta ayaa la qaban doonaa 26-ka October 2026, magaalada London ee dalka England.

Messi ayaa sanadkan door muuqda ka qaatay xulka Argentina, isagoo ka caawiyay inay gaaraan final-ka Koobka Adduunka, inkastoo Argentina ay finalka 1-0 kaga adkaatay Spain, Magacaabistan ayaa Messi u noqotay mid kale oo taariikhi ah, maadaama uu hadda 17 jeer loo magacaabay Ballon d’Or, waana tirada ugu badan marka laga hadlayo dhammaan ciyaartoyda kale ee sanadkan musharraxiinta ah.

Si kastaba, Messi weli ma haysto rikoodhka ugu badan ee magacaabista guud ahaan taariikhda Ballon d’Or. Rikoodhkaas waxaa haya Cristiano Ronaldo, oo loo magacaabay abaalmarinta 18 jeer, Messi markii ugu horreysay waxaa loo magacaabay Ballon d’Or sanadkii 2006, waxaana uu sidoo kale haystaa rikoodhka guulaha abaalmarinta, isagoo ku guuleystay 8 jeer, waana ciyaaryahanka ugu badan ee taariikhda qaaday.

Ciyaaryahanka ugu dhow Messi marka laga hadlayo magacaabista Ballon d’Or ee liiska hadda jira waa xiddiga Real Madrid, Kylian Mbappé, kaas oo hore loogu magacaabay 9 jeer. Harry Kane oo ka tirsan Bayern Munich ayaa isna ku jira kaalinta saddexaad isagoo leh 8 magacaabid.

Messi ayaa sidoo kale bilihii ugu dambeeyay soo maray xaalado adag oo dhinaca nolosha iyo kubadda cagta ah,  Aabihiis Jorge Messi ayaa geeriyooday kadib muddo uu xanuun la tacaalayay, halka Messi uu sidoo kale ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

Inkasta oo uu hadda gaaray 39 sano, magacaabista Ballon d’Or 2026 waxay mar kale muujineysaa in Lionel Messi uu weli ka mid yahay magacyada ugu waaweyn ee taariikhda abaalmarintan, isagoo sii wada inuu rikoorro cusub dhigo xitaa marxaladda dambe ee waayihiisa ciyaareed.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga