Xiddiga khadka dhexe ee Newcastle United, Elliot Anderson, ayaa si weyn u amaanay ciyaaryahanka Manchester United, Kobbie Mainoo, kaddib markii ay isaga hor yimaadeen garoonka, Anderson ayaa sheegay in kulanka uu Mainoo la yeeshay uu ahaa mid aad u adag, balse uu ku faraxsanaa tartankii dhex maray labada ciyaaryahan.
“Waxay ahayd wax fiican, Waxay ahayd dagaal wanaagsan, Waa ciyaaryahan aad iyo aad u heer sarreeya,” ayuu yiri Anderson.
Wuxuu intaas ku daray in mar walba ay adag tahay in lala ciyaaro Mainoo, isagoo xusay tayadiisa iyo awooddiisa kubadeed:- “Mar walba way adag tahay inaad la ciyaarto Kobbie, laakiin waa ciyaaryahan runtii aad u wanaagsan, sidoo kalena waa qof aad u fiican,” ayuu Anderson raaciyay.
Hadallada Anderson ayaa muujinaya ixtiraamka uu u hayo Mainoo, gaar ahaan iyadoo labada ciyaaryahan ay ku tartamaan isla booska khadka dhexe, taasoo kulamadooda ka dhigaysa mid si gaar ah loo xiiseeyo.
Be the first to comment