“140 Milyan oo Yuuro ” ! Xaaska Karim Adeyemi oo si dadban ugu jeesjeestay xiddiga Real Madrid

Xaaska xiddiga Barcelona Karim Adeyemi, Loredana, ayaa hadal kooban oo xasaasi ah ka tiri xiddiga cusub ee Real Madrid Diamonde, kadib markii ninkeeda uu bandhig fiican ka sameeyay kulankii Barcelona iyo Levante.

Adeyemi ayaa door weyn ka qaatay guushii Barcelona ay 4-2 kaga adkaatay Levante habeenkii Axadda, isagoo dhaliyay mid ka mid ah afarta gool ee kooxda Catalan, Guushan ayaa sidoo kale ka caawisay Barcelona inay sii hayso hoggaanka La Liga, iyadoo kooxda ay guuleysatay dhammaan shantii kulan ee ugu horreysay, islamarkaana ay saddex dhibcood ka sarreyso Real Madrid.

Kadib ciyaarta, Karim Adeyemi ayaa Instagram-ka soo dhigay sawir isaga oo ku jira kulankii Levante, Xaaskiisa Loredana ayaa sawirka kaga jawaabtay laba eray oo keliya: “140 milyan.”

Hadalkan ayaa si weyn loo fasiray, maadaama Adeyemi uu Barcelona ugu kacay kaliya €22 milyan, halka wararku sheegayaan in Real Madrid ay ku bixisay qiyaastii €140 milyan si ay ula soo saxiixato Diamonde, Sidaas darteed, taageerayaal badan ayaa u fasirtay hadalka Loredana inuu yahay fariin dadban oo si gaar ah loogu durayo xiddiga cusub ee Real Madrid, iyadoo la isbarbar dhigayo qiimaha labada ciyaaryahan.

Adeyemi ayaa kulankii Levante ku muujiyay sababta Barcelona ay ugu aaminatay inuu qeyb muhiim ah ka noqdo weerarkeeda, Goolkii uu dhaliyay ayaa sidoo kale hadalka xaaskiisa siinaya macne dheeraad ah, iyadoo fariintu u muuqato inay tahay:

“22 milyan oo Euro lagu keenay, laakiin qiimaha garoonka lagu muujiyay ayaa ka weyn 140 milyan.”

Si kastaba, Loredana si toos ah uma aysan magacaabin Diamonde ama Real Madrid, balse waqtiga ay fariinta soo dhigtay iyo lacagta ay sheegtay ayaa taageerayaasha ka dhigtay inay si cad ula xiriiriyaan xiddiga cusub ee kooxda Madrid.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga