Lamine Yamal: “Daawashada kubadda cagta casrigan sidii hore uma raaxeysto”

Xiddiga da’da yar ee Lamine Yamal ayaa si furan uga hadlay sida uu u arko kubadda cagta casriga ah, isagoo sheegay in ciyaartu ay is beddeshay, isla markaana uu u xiiso qabo waayihii ay daawadayaashu si weyn ugu raaxaysan jireen ciyaaraha.

Yamal, oo kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan adduunka sanadihii ugu dambeeyay, ayaa door weyn ka qaatay guulihii Barcelona labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, Yamal ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu si dhab ah u tabayo xilligii ay dadku si farxad leh u daawan jireen kubadda cagta:- “Runtii waxaan u xiisay inaan arko dadka oo ku raaxaysanaya daawashada kubadda cagta.”

Wuxuu sheegay in isaga qudhiisu horey u daawan jiray ciyaaro badan, balse maanta ay ku adkaatay inuu ciyaaraha si joogto ah u daawado, maadaama uu raadinayo ciyaartoy leh qaab ciyaareed gaar ah oo dadka madadaaliya.

Yamal wuxuu magacaabay dhowr ciyaaryahan oo uu si gaar ah ugu raaxeysto daawashadooda , Waxaa kamid ah:- Karim Benzema, Isco , Neymar , Vinícius Júnior , Rayan Cherki, Wuxuu sheegay in ciyaartoydan ay yihiin kuwa uu dhab ahaan ku raaxeysto marka uu ciyaaraya daawanayo.

Xiddiga Barcelona ayaa aaminsan in kubadda cagta ay u baahan tahay inay dib ugu soo laabato qaabkeedii hore, gaar ahaan marka laga hadlayo hal-abuurka iyo xorriyadda ciyaaryahanka gudaha garoonka, Yamal wuxuu tusaale u soo qaatay xiddigii hore ee Brazil Ronaldinho, isagoo sheegay in aysan qasab ahayn in ciyaaryahan kasta uu Brazilian noqdo si uu taageerayaasha u madadaaliyo.

Yamal ayaa sidoo kale sheegay inuu aad u jecel yahay daawashada halyeeygii Arsenal iyo France, Thierry Henry, Inkasta oo uusan Henry ku daawan isagoo garoonka dhexdiisa ciyaaraya, haddana Yamal wuxuu muujiyay qadarin weyn oo uu u hayo qaab ciyaareedkii weeraryahankii hore ee Barcelona.

Mid kamid ah waxyaabaha uu Yamal sheegay inay si weyn u saameeyeen qaab ciyaareedkiisa waa kubaddii uu carruurnimadiisii ku ciyaari jiray waddada, Wuxuu aaminsan yahay in kubadda waddadu siisay xorriyad iyo hal-abuur badan, taas oo qayb ka noqotay ciyaartiisa maanta.

Yamal ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay habka carruurta maanta loo tababaro, Wuxuu aaminsan yahay in carruurta si xad-dhaaf ah loogu tababaro nidaamyo adag iyo xeerar badan ay saameyn taban ku yeelan karto hal-abuurkooda, Wuxuu xusuustay sida kubadda waddadu u ahayd mid fudud: kooxdu waxay ciyaarta sii wadaysay, ciyaaryahankii laba gool dhaliya ayaa guuleysanayay, halka kooxda laga adkaaday ay bannaanka ka bixi jirtay.

Hadalkiisa ugu weyn ayaa ahaa kalsoonida uu naftiisa ku qabo, Yamal wuxuu sheegay inuu isu arko ciyaaryahan aad uga wanaagsan sida ay dadka qaar u maleynayaan, isagoo xusay in weli ay horyaallaan sannado badan oo horumar ah:- “Waxaan isu arkaa inaan aad uga fiicanahay sida ay dadka qaar ii arkaan, Waddo dheer ayaan weli u hayaa horumar, wax badan ayaana i sugaya, welina waxaan ahay 18 jir.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga