Tababaraha Manchester City, Enzo Maresca, ayaa si adag uga hadlay go’aankii garsooraha uu kaarka cas ugu taagay Phil Foden kulankii Manchester United, isagoo sheegay in isla dhacdadaas ay ahayd in sidoo kale kaarka cas loo taago Bruno Fernandes, Manchester City ayaa 1-0 kaga adkaatay Manchester United garoonka Old Trafford, laakiin kooxda martida ahayd ayaa ciyaarta inteeda badan ku ciyaartay 10 ciyaaryahan, kaddib markii Phil Foden la saaray daqiiqaddii 23-aad.
Maresca ayaa sheegay in kaarka cas uu si weyn u beddelay qorshihii ciyaarta, balse uu ku faraxsan yahay sida ciyaartoydiisu uga jawaabeen xaaladda adag, “Waa fowdo, Kaarka cas wuxuu wax ka beddelay qorshihii ciyaarta, laakiin ciyaartoydu waxay muujiyeen dadaal, ruux iyo isku xirnaan aad u wanaagsan,” ayuu Maresca u sheegay Sky Sports.
Tababaraha City ayaa qiray in Foden uu laga yaabo inuu u qalmo kaarka cas, balse wuxuu ku dooday in Bruno Fernandes uu isna ku lug lahaa fal u qalma ciqaab la mid ah:- “Go’aanka waxaa laga yaabaa inuu Foden ku mutaystay kaarka cas, laakiin isla dhacdadaas Bruno Fernandes isna wuxuu u qalmi karaa kaarka cas, sababtoo ah isaga ayaa sidoo kale Foden laad ku dhuftay,” ayuu yiri.
Maresca ayaa sidoo kale sheegay in kaarka cas uu beddelay qorshaha labada kooxood, maadaama Manchester United ay caan ku tahay weerarrada degdegga ah iyo kubbadaha kala guurka.
“Kaarka cas wuxuu beddelay qorshaheenna, sidoo kale wuxuu beddelay qorshahooda. Iyagu waa koox aad u wanaagsan marka ay weerar degdeg ah sameynayaan, laakiin markii aan 10 ciyaaryahan noqonnay, ma siin fursad ay ku sameeyaan weerarradaas, sababtoo ah waxaan doorannay inaan kubadda hayno,” ayuu sharaxay.
Maresca ayaa sidoo kale ka hadlay goolkii uu Erling Haaland dhaliyay, kaas oo muran ka dhashay kadib markii la isku dayay in la ogaado inuu offside ahaa, Tababaraha City ayaa sheegay in garsooraha afraad uu si degdeg ah ugu sheegay in Haaland uu ku jiray boos sax ah, halka VAR ay kaliya dib u hubinaysay dhacdada, “Garsooraha afraad wuxuu isla markiiba ii sheegay in Haaland uu ku jiray boos sax ah oo uusan offside ahayn. Waxay kaliya dib u eegayeen ciyaarta oo dhan, laakiin aniga waxay ila ahayd mid aad u cad in uusan offside ahayn,” ayuu yiri.
Maresca ayaa sidoo kale amaanay Enzo Fernández doorkii uu ku lahaa goolka Haaland, isagoo sheegay inuusan ciyaarta si khaldan u faragelin, “Enzo Fernández wuxuu ahaa mid cajiib ah. Wuxuu ciyaaray kulan aad u wanaagsan. Waa guul qurux badan. Haaland wuxuu ku jiray boos sax ah, Enzona ma uusan faragelin ciyaarta,” ayuu raaciyay.
Manchester City ayaa sidoo kale heshay badbaadin muhiim ah daqiiqaddii 95-aad, markii goolhaye Gianluigi Donnarumma uu sameeyay badbaadin weyn oo uu kaga hortagay Mbeumo, Maresca ayaa sheegay in tani ay tahay sababta ay kooxdu ugu baahan tahay goolhaye heer sare ah.
“Ilaahayow! Taasi waa Donnarumma. Waxaan ugu baahan nahay waqtiyada noocan ah. Taasi waa sababta uu halkan u joogo, waana sababta uu kooxdu hore ugu go’aansatay inay la soo saxiixato. Waa goolhaye cajiib ah,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in ciyaartoyda waaweyn ay soo baxaan marka ciyaartu adkaato, “Ciyaartoyda waaweyn waxay u joogaan inay dhaliyaan goolasha waqtiyada muhiimka ah, halka goolhayeyaasha waaweyn ay u joogaan inay sameeyaan badbaadinta muhiimka ah. Donnarumma ayaa ugu dambeyn na badbaadiyay, waana badbaadin cajiib ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Maresca ayaa sidoo kale sharaxay sababta uu u beddelay ciyaaryahanka Faransiiska ah ee Rayan Cherki, isagoo sheegay in ciyaarta 10-ka ciyaaryahan ah ay u baahnayd ciyaaryahan leh qaab ka duwan, “Waa ciyaaryahan heer sare ah, laakiin markii aan 10 ciyaaryahan nahay waxaan u baahnayn wax ka duwan. Waxaan u baahnayn ciyaaryahan awood u leh inuu khaladaad ka soo saaro kooxda kale isla markaana sameeyo weerarro rogaal celis ah,” ayuu yiri.
Qorshuhu wuxuu ahaa in Ndiaye uu hal dhinac ka ciyaaro, Semih Kılıçsoy dhinaca kale, halka Haaland uu weerarka hoggaamiyo, Maresca ayaa sheegay in marka fursad weerar la helo, City aysan awoodin inay difaac keliya ku ekaato, “Marka aan helno fursad aan ku weerarno, waa inaan weerarnaa. Kaliya difaac kuma ekaan karno,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Maresca ayaa ka hadlay xaaladda Haaland, isagoo sheegay in waxa ugu muhiimsan ay tahay inuu weeraryahanku faraxsan yahay “Waxa ugu muhiimsan waa inuu faraxsan yahay, Waxaad farxaddiisa ka arki kartaa niyaddiisa, ma aha maanta oo keliya, laakiin maalin kasta iyo xitaa tababarrada,” ayuu yiri Maresca.
Tababaraha ayaa hadalkiisa ku soo xiray kaftan ku saabsan Haaland iyo oraahda caanka ah ee Ingiriisiga ah ee ah “xaas faraxsan, nolol faraxsan”. “Inta aan Haaland faraxsanahay, dhammaanteen waan faraxsanahay, Sida aad Ingiriisiga ku tiraahdaan, ‘xaas faraxsan, nolol faraxsan’; annaguna waxaan leenahay, ‘Haaland faraxsan, nolol faraxsan!’ Dabcan, xaaskayga hadalkan way iga xanaaqi doontaa,” ayuu Maresca yiri isagoo qosolaya.
Be the first to comment