Piqué oo shaaca ka qaaday xiriirkii gaarka ahaa ee uu la lahaa Puyol: “Wuxuu ii ahaa sida walaal”

Gerard Piqué, xiddigii hore ee Barcelona iyo xulka Spain, ayaa si qoto dheer uga hadlay xiriirkii gaarka ahaa ee ka dhexeeyay isaga iyo halyeeygii kooxda Carles Puyol, isagoo sheegay in Puyol uu ka mid ahaa dadka ugu dhowaa intii uu ku jiray xirfaddiisa kubbadda cagta.

Labadan daafac dhexe waxay muddo dheer ka mid ahaayeen tiirarkii ugu muhiimsanaa ee Barcelona iyo xulka Spain. Puyol wuxuu caan ku ahaa hoggaamintiisa, dagaalankiisa iyo adkeysigiisa, halka Piqué uu si gaar ah ugu fiicnaa kubbadda ka soo bixinta daafaca iyo bilaabista weerarrada.

Piqué ayaa sheegay in xiriirkooda uu si wanaagsan u bilowday markii uu Barcelona kusoo laabtay, isagoo xusay in Puyol uu si diirran u soo dhaweeyay. “Carles Puyol wuxuu ii ahaa sida walaal. Si weyn ayuu ii soo dhaweeyay, xiriir aad u wanaagsan ayaana naga dhexeeyay tan iyo bilowgii.”

Wuxuu intaas ku daray in labadoodu ay si heer sare ah isu dhammaystireen markii ay wada ciyaarayeen, “Si fiican ayaan isu dhammaystiri jirnay, Waxaan sameynay labo daafac dhexe oo aad u wanaagsan.”

Piqué ayaa sidoo kale aaminsan in haddii aysan dhaawacyadii Puyol jirin, ay labadoodu sannado badan oo dheeraad ah wada ciyaari lahaayeen:- “Haddii uusan dhaawac ku dhicin, waxaan wada ciyaari lahayn sannado badan oo kale.”

Xiriirka labada ciyaaryahan kuma ekaan garoonka dhexdiisa,  Puyol wuxuu mar walba ahaa qof Piqué garab istaaga, taas ayaana si weyn uga muuqatay markii Piqué uu ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo, Puyol ayaa markaas fariin qiiro leh u diray saaxiibkiis, isagoo sheegay inuu aad uga naxay go’aankaas, isla markaana uu Piqué ka mid ahaa ciyaartoydii sida weyn ugu adeegay Barcelona, Wuxuu sidoo kale sheegay inuu mar walba ku faani doono inuu garoonka kula wadaagay Piqué, isagoo ugu yeeray saaxiib qaali ah.

Piqué ayaa sidoo kale dib u xusuustay mid ka mid ah kulamadii ugu waaweynaa ee uu xirfaddiisa ciyaareed ku soo maray, kaasoo ahaa kulankii Barcelona ay 2-6 kaga adkaatay Real Madrid garoonka Santiago Bernabéu, Kulankaas ayaa noqday mid ka mid ah natiijooyinkii ugu caansanaa ee taariikhda El Clásico, Piqué-na wuxuu sheegay inuu si gaar ah u xasuusto maadaama uu ahaa kulankiisii ugu horreeyay ee El Clásico ee uu ka ciyaaro Bernabéu.

Piqué ayaa sidoo kale sharaxay sababta uu jacaylka weyn ugu qabo Barcelona, isagoo sheegay in xiriirkaas uu ka soo bilowday qoyskiisa:- “Awoowgay ayaa ii sameeyay xubinimada kooxda tan iyo markii aan dhashay, wuxuuna igu beeray jacaylka iyo xiisaha Barcelona.”

Wuxuu sheegay in dhammaan qoyskiisu ay si weyn u taageeraan Barcelona, isla markaana qoyska uu door muhiim ah ka qaatay guushii iyo horumarkii uu ka gaaray kubbadda cagta, Piqué ayaa xusay in ciyaaryahan kasta uu maro waqtiyo wanaagsan iyo waqtiyo adag, balse taageerada dadka ku dhow ay muhiim u tahay in la sii wado safarka:- “Inaad haysato dad kula jooga, ku taageera maalin kasta oo ku garab istaaga waa arrin aad muhiim u ah. Wax badan ayay iga caawiyeen inaan gaaro wax kasta oo aan gaaray.”

Piqué iyo Puyol ayaa sidaas ku noqday mid ka mid ah lamaanayaashii daafaca dhexe ee ugu xusuusta badnaa taariikhda Barcelona, iyagoo qayb weyn ka qaatay waayihii dahabiga ahaa ee kooxda iyo xulka Spain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga