HORDHACA Kulanka Chelsea oo wajahaysa imtixaan adag marka ay Hull City …………….

Chelsea ayaa Sabtida, 12-ka Sebtembar, garoonkeeda Stamford Bridge ku qaabilaysa Hull City, kulan ka tirsan wareegga afraad ee Premier League, Kulankan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah Chelsea, iyadoo kooxda Xabi Alonso ay doonayso inay dib ugu soo laabato guulaha horyaalka.

Chelsea ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Premier League 2-1 looga adkaaday Arsenal, taasoo ahayd guuldarradii ugu horreysay ee Xabi Alonso tan iyo markii uu noqday tababaraha kooxda, Si kastaba, Blues ayaa bartamihii toddobaadka muujisay awood weerar oo xooggan, iyadoo 6-3 ku garaacday Leeds United EFL Cup.

Dhanka kale, Hull City ayaa noqotay mid ka mid ah kooxaha ugu yaabka badan bilowga xilli ciyaareedkan,  Kooxda cusub ee Premier League-ka ayaa saddexdii kulan ee ugu horreeyay heshay 7 dhibcood, iyadoo aan weli laga dhalin wax gool ah. Waxay garaacday Manchester United iyo Coventry City, halka ay 0-0 la gashay Aston Villa.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Chelsea ay wajahayso difaac aad u adag. Hull ayaa ilaa hadda sameysay saddex clean sheet oo xiriir ah, halka Chelsea ay dhinaceeda dhalisay goolal badan balse ay dhibaato ka haysato difaaca, Chelsea ayaa sidoo kale leedahay taariikh wanaagsan marka ay Hull la ciyaarayso. Blues waligeed kama aysan lumin Hull 10 kulan oo Premier League ah, iyadoo siddeed jeer guuleysatay halka labada kulan ee kale ay barbaro galeen.

Xabi Alonso ayaa kulankan ku waayi doona dhowr ciyaaryahan oo dhaawacyo qaba, waxaana ka mid ah Moisés Caicedo, Marco Palestra, Jordan Henderson iyo Emmanuel Emegha. Morgan Rogers iyo Cole Palmer ayaa la filayaa inay qayb muhiim ah ka qaataan weerarka Chelsea.

Hull City-na waxaa dhaawacyo kaga maqan dhowr ciyaaryahan, waxaana kooxda tababare Sergej Jakirovic ay isku dayi doontaa inay sii waddo qaab ciyaareedkeeda difaaca adag.

📋 Safafka la saadaaliyay

Chelsea: Martinez; Acheampong, Lacroix, Colwill; Neto, James, Lavia, Hato; Rogers, Palmer; Pedro.

Hull City: Tzolakis; Ajayi, Egan, Mendy; Coyle, Slater, Gourna-Douath, Giles; Belloumi, Stroud; McBurnie.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga