Alan Shearer oo weerar ku qaaday Bruno Fernandes: “Waa wax laga xishoodo”

Halyeeygii Newcastle United iyo gooldhaliyihii ugu sarreeyay taariikhda Premier League, Alan Shearer, ayaa si adag u dhaleeceeyay kabtanka Manchester United Bruno Fernandes, kadib dhacdadii muranka dhalisay ee Manchester Derby-ga.

Manchester United ayaa Axaddii 1-0 looga adkaaday Manchester City garoonka Old Trafford, iyadoo Erling Haaland uu dhaliyay goolka guusha. Kulanka ayaa muran weyn dhaliyay kadib go’aanno VAR iyo garsoore Michael Oliver lagu dhaleeceeyay.

Phil Foden ayaa kaarka cas qaatay daqiiqaddii 23-aad kadib markii uu lugihiisa ku dhuftay Bruno Fernandes xilli labada ciyaaryahan ay dhulka isku hayeen, Laakiin muuqaalada telefishinka ayaa muujiyay in Fernandes uu sidoo kale laba jeer lug kaga dhuftay Foden ka hor inta uusan ciyaaryahanka Manchester City falcelin.

Shearer ayaa sheegay in haddii Foden uu cas qaatay, Bruno-na uu sidoo kale casaan mudnaa:- “Waxaan u arkayay sida Bruno Fernandes u dhacay inay ahayd wax laga xishoodo.” , Shearer wuxuu sheegay in Foden uu qalad sameeyay markii uu falceliyay, balse Fernandes isaguna uu isla falka sameeyay  waxa uu intaasi raaciyey :- “Haddii Michael Oliver u arko in Foden uu casaan mudan yahay, markaas labaduba waa inay casaan qaataan.”

Halyeeygii Aston Villa Gabby Agbonlahor ayaa isna si ka sii adag uga hadlay dhacdada, isagoo Fernandes ku eedeeyay inuu si ula kac ah u buunbuuniyay dhacdada.

Agbonlahor wuxuu sheegay:- “Bruno Fernandes waa khiyaanoole. Waa ciyaaryahan heer sare ah, laakiin waa khiyaanoole.”

Wuxuu ku dooday in Fernandes uu Foden laba jeer laaday isagoo dhulka yaalla, kadibna uu iska dhigay inuu dhaawacmay markii Foden uu falceliyay.

Daqiiqaddii 60-aad, Erling Haaland ayaa Manchester City u dhaliyay goolka guusha, laakiin goolka waxaa hareeyay muran weyn oo VAR ah.

VAR ayaa markii hore baaritaan dheer sameeyay, waxaana semi-automated offside technology lagu go’aamiyay in Haaland uusan offside ahayn, maadaama Patrick Dorgu uu daboolayay, Si kastaba, waxaa la sheegay in Enzo Fernández uu ku lug lahaa weerarka isagoo kasoo muuqday boos offside ah, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan in goolka la oggolaan lahaa.

Hay’adda garsoorayaasha England ee Professional Game Match Officials Limited (PGMOL) ayaa markii dambe qiratay in go’aankaasi uu khalad ahaa, waxayna raalli-gelin siisay Manchester United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga