YAAB: Koox Badal Ku Samaysay Goolhaye Kaliya 20 ilbiriqsi Markii Ay Ciyaartu Bilaabatay & Sababta Ka Dambaysa.

Kooxda reer Slovenia ee NK Rogaska ayaa  abuurtay muran badan kadib markii ay Badashay Goolhaye 20 ilbiriqsi kulan ka tirsanaa horyaalka dalkaas.

Kulanka ayaa u dhexeeyay kooxaha NK Rogaska iyo Olimpija Ljubljana waxana uu dhacay Axadii shalay.

Kooxda NK Rogaska ayaa sabab la yaab leh u badashay Goolhayeheeda kadib 20 ilbiriqsi oo uu ku jiray ciyaarta.

Kooxda ayaa shaxda ku bilowday Goolhaye Zan Lorber oo 17 sano jir ah inkasta oo uu Goolhayaha kooxda 1-aad diyaar u ahaa in uu ciyaaro.

Halkii ay qiimayn lahayd waxa uu Goolhaye Lorber samayn karo waxa la badalay isla markiiba iyada oo lagu badalay Adjin Mulalic.

Waxa laga yaabaa in aad is waydiin kartid sababta la yaabka leh sababta uuna Goolhaye Adjin Mulalic ugu bilaaban waayay shaxda.

Sanadkii 2022, xidhiidhka kubada cagta Slovenia ayaa soo saaray sharci ah in koox kasta oo ka mid ah kooxaha heerarka kala duwan ee dalka in ay ugu yaraan ciyaarsiiyaan ciyaartoy u ciyaara da’yarka xulka qaranka Slovenia.

Sidaas darteed kooxda Rogaska ayaa ku bilowday Goolhayaha 17 sano jirka ah waxana ay isla markiiba dibada u saareen kubada si loo badalo Goolhayaha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga