Manchester United ayaa la sheegay inay diiday inay joojiso heshiiska da’yarka JJ Gabriel, xilli Real Madrid ay si xooggan uga shaqaynayso sidii ay ula soo saxiixan lahayd 15-jirkan, JJ Gabriel, oo ah ciyaaryahan weerar ah oo ka tirsan akademiyadda Manchester United, ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay noqday mid ay si weyn u danaynayaan kooxo waaweyn oo Yurub ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, Gabriel iyo kooxdiisa ayaa Manchester United u gudbiyay codsi rasmi ah, iyagoo doonaya in diiwaangelintiisa kooxda laga kansalo si uu isla markiiba u noqdo ciyaaryahan xor ah, Arrintan ayaa timid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciyaaryahanka iyo wakiilladiisu ay doonayaan inuu helo fursad horumarineed oo degdeg ah.
Laakiin Manchester United ayaa hadda lagu soo warramayaa inay aysan diyaar u ahayn inay joojiso heshiiskiisa ama si xor ah u fasaxdo, Warbixin ay qortay ESPN ayaa sheegaysa in United aysan qorshaynayn inay aqbasho codsiga Gabriel.
Dhanka kale, Real Madrid ayaa si weyn ugu lug yeelatay mustaqbalka da’yarkan, Sida uu qoray wariye Rodra, Real Madrid ayaa hadda hoggaaminaysa tartanka loogu jiro JJ Gabriel, iyadoo kooxda reer Spain ay doonayso inuu mustaqbalka ka ciyaaro Castilla, oo ah kooxda labaad ee Real Madrid.
Qorshaha Madrid ayaa ah in Gabriel uu waayo-aragnimo ka helo Castilla, iyadoo sidoo kale loo diyaarinayo inuu ka qayb qaato UEFA Youth League, Warbixin kale oo uu qoray Mario Cortegana oo ka tirsan The Athletic ayaa sheegaysa in Real Madrid ay bilo badan si qarsoodi ah uga shaqaynaysay heshiiskan.
Waxaa la sheegay in arrinta ay gacanta ku hayaan madaxda Real Madrid iyo shaqaalaha kooxda ee masuulka ka ah soo xulashada ciyaartoyda da’da yar.
JJ Gabriel ayaa hadda jira 15 sano, waxaana la sheegay inuu haysto baasaboor Irish ah, Taasi waxay ka dhigaysaa xaaladdiisa mid ka duwan ciyaartoyda da’da yar ee qaarkood, maadaama ay jiraan xeerar adag oo ku saabsan ciyaartoyda aan weli qaangaarin iyo u kala wareegidda dalalka, Gabriel ayaa 16 sano jirsan doona bisha soo socota, waxaana la fahamsan yahay in mustaqbalkiisa ay si dhow ula socdaan kooxo dhowr ah.
Be the first to comment