Taageerayaasha Manchester United F.C. ayaa si weyn uga carooday bandhiggii kooxdu ka sameysay kulankii ay 1-1 kula gashay Fulham F.C., iyadoo qaar kamid ah taageerayaasha ay bilaabeen inay sheegaan in kooxda ay ka fiicnayd xilligii tababare Ruben Amorim, Manchester United ayaa Axaddii barbaro 1-1 ah la gashay Fulham garoonka Craven Cottage, iyadoo kooxda martida ahayd ay dhibicda badbaadisay gool uu Matheus Cunha dhaliyay oo kubaddu ka soo leexatay ciyaaryahan Fulham ah, Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan heshay hal guul oo keliya shantii kulan ee ugu horreysay.
Tababaraha Michael Carrick ayaa kulanka kadib sheegay inuu ku faraxsan yahay tamarta ay ciyaartoydu muujiyeen, isagoo xusay inay jireen calaamado wanaagsan oo kooxda ay wax badan ka baran karto, Hase yeeshee, hadalkaas ayaa sii kordhiyay xanaaqa qaar kamid ah taageerayaasha. Mid kamid ah taageerayaasha ayaa sheegay:“Amorim wuxuu sheegi lahaa sida ay wax yihiin.”
Taageere kale ayaa si adag u dhaliilay qaabka Carrick, isagoo ku dooday in Amorim uu ciyaartoyda ku qasbi jiray tababar xooggan, isla markaana uu xooga saari jiray anshaxa iyo heerarka ciyaartoyda, Taageerayaasha qaarkood ayaa sidoo kale xusay go’aamadii Amorim ee Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho, iyagoo ku doodaya in tababarahii hore uu isku dayay inuu soo celiyo nidaam iyo anshax gudaha kooxda.
Mid kamid ah taageerayaasha ayaa Carrick ku eedeeyay inuu meesha ka saaray horumarkii kooxda, isagoo yiri in markii hore uu taageersanaa in Carrick loo dhiibo shaqada joogtada ah, balse hadda uu u arko in waqti badan la lumiyay.
Dhanka kale, halyeeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa isna si weyn u dhaliilay bandhiggii kooxda. Neville wuxuu Carrick ugu baaqay inuu joojiyo difaaca ciyaartoyda, isagoo sheegay in ciyaartoydu aysan muujin firfircooni ku filan marka kooxda aysan kubadda haysan, Neville wuxuu sheegay in ciyaartoyda Manchester United ay marar badan garoonka ku socdeen halkii ay cadaadis iyo feejignaan muujin lahaayeen, isagoo ku tilmaamay bandhigga mid aan lahayn firfircooni iyo feejignaan ku filan.
Barbaraha Fulham ayaa sidaas darteed sii kordhiyay cadaadiska saaran Michael Carrick, iyadoo taageerayaasha Manchester United ay hadda si cad uga doodayaan jihada kooxda iyo haddii qaabkii Ruben Amorim uu ahaa mid ka duwan kan hadda socda.
Be the first to comment