Halyeeyga kooxda Manchester United, Gary Neville, ayaa si kulul u dhaleeceeyay ciyaartoyda kooxdiisii hore kaddib barbaro 1-1 ah oo ay la galeen Fulham kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League, Neville oo falanqeynayay ciyaarta ayaa sheegay in 15-kii daqiiqo ee ugu horreeyay qaybtii labaad ay ahaayeen kuwii ugu xumaa ee uu abid ka arko Manchester United, isaga oo ku eedeeyay ciyaartoyda inay muujiyeen dadaal yari iyo dhaqdhaqaaq la’aan marka aysan kubadda haysan.
Wuxuu ciyaartoyda ku tilmaamay kuwo sidii taallooyin garoonka ugu taagan, isaga oo sheegay inaysan muujin degdeg, firfircooni iyo dadaal ku filan, Kulanka oo qeybtiisii hore ku dhammaaday barbaro goolal la’aan ah, ayaa Fulham hoggaanka qabatay daqiiqaddii 63-aad, kaddib markii goolhaye Senne Lammens uu kubadda ku guuldarreystay inuu si fiican u xakameeyo, taasoo keentay in Lisandro Martínez uu gool iska dhaliyo.
Manchester United ayaa ugu dambeyn barbaraha heshay daqiiqaddii 89-aad, markii Matheus Cunha uu dhaliyay gool kubaddu leexatay, taasoo kooxdiisa ka badbaadisay guuldarro, Neville ayaa sheegay in tababare Michael Carrick uu u baahan yahay inuu si adag ula xisaabtamo ciyaartoydiisa, isaga oo ku boorriyay inuusan mar walba difaacin qaab ciyaareedkooda, Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii kooxda ay sii waddo dadaal la’aanta noocan ah, ay dhibaato u horseedi karto tababaraha.
Dhanka kale, Carrick ayaa diiday in kooxdiisu ahayd mid aan firfircooneyn, isaga oo sheegay inay qaybtii hore si wanaagsan ciyaarta u maamuleen, isla markaana ay abuureen fursado ku filan oo ay ku guuleysan kareen, Tababaraha ayaa intaas ku daray inuu aaminsan yahay in Manchester United ay ahayd inay kulanka guuleysato, isla markaana uu barbaraha ka qaatay dhinaca wanaagsan ee ay ciyaartu ku dhammaatay.
Be the first to comment