5 SANO oo Xabsi Laacibkii hore ee Arsenal oo lagu helay shahaado been abuur ah & Xukunkiisa ?

Granit Xhaka, kabtanka xulka Switzerland iyo ciyaaryahanka Sunderland, ayaa qirtay inuu xilligii COVID-19 helay shahaado tallaal oo been-abuur ah, arrintaas oo sababtay in baaritaan dambiyeed looga furo Switzerland, Xhaka ayaa sheegay in xilligaas uu si weyn uga walaacsanaa tallaalka COVID-19, isla markaana uu qabay shaki iyo cabsi badan. Wuxuu qirtay in halkii uu su’aalihiisa si rasmi ah uga jawaabi lahaa, uu helay shahaado muujinaysay inuu tallaalka qaatay.

33-jirka ayaa hadda sheegay inuu fahamsan yahay in go’aankaasi uu khalad ahaa, isagoo raalli-gelin ka bixiyay, isla markaana ballanqaaday inuu si buuxda ula shaqeyn doono hay’adaha baaritaanka, Xeer-ilaalinta Lucerne ayaa baaraysa haddii Xhaka uu si khiyaano ah ku helay caddeyn rasmi ah oo aan sax ahayn ama haddii dukumenti la been-abuuray. Baaritaanka ayaa sidoo kale ku saabsan dhakhtarad ku sugan Lucerne oo lagu tuhunsan yahay inay bixisay shahaadooyin tallaal iyadoo aan dadka qaarkood dhab ahaan la tallaalin. Booliska ayaa xarunteeda baaray sanadkii 2023.

Warbaahinta Switzerland ayaa sheegtay in Xhaka loo qorsheeyay inuu hor yimaado xeer-ilaalinta bilowga bisha October si wax looga weydiiyo kiiska, Dhanka kale, Xhaka ayaa laga saaray xulka Switzerland inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah,  Xiriirka Kubadda Cagta Switzerland iyo ciyaaryahanka ayaa si wadajir ah ugu heshiiyay inuusan ka qaybgelin kulamada Nations League ee soo socda, si xaaladda loo kala caddeeyo.

Xhaka wuxuu ahaa ciyaaryahan Arsenal ah xilligii dhacdadu la xiriirtay. Kadib wuxuu 2023 ugu biiray Bayer Leverkusen, halka 2025 uu ku soo laabtay Premier League isagoo u saxiixay Sunderland.

Muhiim: Inkastoo wararka qaar ay tilmaamayaan in sharciga Switzerland uu kiisaska noocan ah u oggolaan karo ciqaab gaareysa ilaa 5 sano oo xabsi ah, Xhaka weli lama xukumin; baaritaanka ayaa socda, waxaana jirta presumption of innocence ilaa maxkamad ama hay’ad sharciyeed go’aan ka gaarto.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga