Federico Valverde ayaa dhaawac kasoo gaaray canqowga bidix kaddib kulankii Derby-ga ee ay Real Madrid la ciyaartay Atlético Madrid.
Real Madrid ayaa xaqiijisay in Valverde uu qabay jug xooggan oo daran oo soo gaartay canqowga bidix, iyadoo xaaladdiisa caafimaad si dhow loola socdo, Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in Valverde saacadaha soo socda lagu sameyn doono baaritaanno caafimaad oo dheeraad ah, kuwaas oo lagu ogaan doono heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca iyo muddada uu ciyaaraha ka maqnaan karo.
Dhaawacan ayaa walaac ku abuuraya Real Madrid, maadaama Valverde uu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee kooxda. Natiijada baaritaannada cusub ayaa la filayaa inay bixiso xog dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdiisa.
Be the first to comment