Madaxweynaha Barcelona Laporta oo mar kale dhaliilay Atlético Madrid kadib fashilkii Barcelona ee Julián Álvarez

Madaxweynaha Barcelona, Joan Laporta, ayaa mar kale ka hadlay isku daygii kooxdiisu ku dooneysay weeraryahanka Atlético Madrid iyo xulka Argentina, Julián Álvarez, kaasoo ku dhammaaday inuu ciyaaryahanku sii joogo kooxda reer Madrid, Barcelona ayaa xagaagii isku dayday inay la soo wareegto Álvarez, balse wadaxaajoodyadii labada kooxood ayaa ugu dambeyn isu beddelay hadallo kulul, kadib markii Atlético Madrid ay si adag uga hor timid in weeraryahanka loo iibiyo Barcelona.

Laporta oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in Atlético Madrid ay iska dhigeen kuwo ka careysan arrinta, isagoo ku dooday inaysan haynin sabab ay ugu diidaan Barcelona:- “Waxay iska dhigeen inay ka xumaadeen, sababtoo ah ma aysan haysan wax sabab ah oo ay ku caddeeyaan mowqifkooda,” ayuu yiri Laporta, sida ay soo xigatay warbaahinta Isbaanishka.

Madaxweynaha Barcelona ayaa sidoo kale sheegay in jawaabtii Atlético Madrid iyo masuuliyiinteedu ay ahayd mid uu ku tilmaamay xad-gudub, isagoo intaas ku daray in ugu dambeyn ay muujiyeen waxa uu sheegay inay tahay mowqifkooda dhabta ah, Laporta ayaa sheegay in Atlético Madrid ay qirteen inay Álvarez ka iibin lahaayeen koox kasta oo kale marka laga reebo Barcelona.

“Ugu dambeyn, waxay muujiyeen xaqiiqadooda, iyagoo qirtay inay ciyaaryahanka ka iibin doonaan koox kasta marka laga reebo Barcelona,” ayuu yiri Laporta.

Inkasta oo uu mar kale ka hadlay murankii ka dhashay Álvarez, Laporta wuxuu sheegay in arrintaasi hadda tahay wax la soo dhaafay, isagoo ku qanacsan xulashada ciyaartoyda uu Barcelona haysto, Madaxweynaha kooxda ayaa sheegay in Barcelona ay leedahay laba ama saddex ciyaaryahan oo boos kasta ku tartami kara, taasoo uu u arko inay kooxda siinayso xulashooyin badan.

Laporta ayaa sidoo kale sheegay in tababare Hansi Flick uu aad ugu faraxsan yahay kooxda uu hadda haysto, sidaas darteedna ay tahay in loo oggolaado inuu si xor ah ula shaqeeyo ciyaartoyda:-“Tababaruhu aad ayuu ugu faraxsan yahay shaxda uu haysto. Sidaas darteed aan hadda u oggolaanno inuu shaqeeyo. Kooxdu waxay leedahay dhiirrigelin weyn,” ayuu yiri Laporta.

Laporta ayaa sidoo kale ka hadlay fasaxa caalamiga ah ee soo socda, kaasoo xulalku ciyaari doonaan afar kulan, Wuxuu sheegay in Flick uu u sheegay in fasaxa xulalku uu Barcelona si weyn u saameynayo, maadaama aysan ahayn oo keliya hal kulan oo ciyaartoydu maqnaanayaan, balse ay jiraan kulamo badan oo xulalku ciyaarayaan:- “Flick wuxuu ii sheegay in fasaxan uu runtii waxyeello nagu yahay. Ma aha oo keliya hal kulan, balse waxaa jira taxane afar kulan ah,” ayuu yiri Laporta.

Laporta wuxuu qiray muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha xulalka qaranka, balse wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in tirada kulamada caalamiga ah ay aad u badan tahay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga