Tababaraha kooxda Sevilla, Luis García Plaza, ayaa si weyn uga falceliyay in xiddiga reer Brazil ee Raphinha laga reebay 30-ka ciyaaryahan ee u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or 2026, Raphinha ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kulankii Barcelona ay Sabtidii la ciyaartay Sevilla, kaas oo ay kooxda reer Catalonia ku badisay 3-1. Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay saddexley (hat-trick), isagoo door weyn ka qaatay guusha kooxdiisa.
Isagoo ka hadlayay qaab ciyaareedka Raphinha, tababaraha Sevilla ayaa yiri: “Waxaa jira waxyaabo kubadda cagta ka mid ah oo aanan fahmi karin. Sidee ayay suurtagal u tahay in Raphinha laga waayo liiska 30-ka ciyaaryahan ee ugu fiican ee u tartamaya Ballon d’Or? In aan la soo xulan Raphinha waa arrin aanan fahmi karin.”
Raphinha ayaa haatan ku jira qaab ciyaareed heer sare ah, isagoo laba kulan oo xiriir ah oo horyaalka La Liga ah u dhaliyay Barcelona saddexley. Wuxuu sidoo kale hoggaaminayaa gooldhaliyeyaasha horyaalka, isagoo 7 wareeg kaddib dhaliyay 12 gool.
Xiddiga reer Brazil ayaa ka sarreeya weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, kaas oo ilaa hadda dhaliyay 7 gool, Abaalmarinta Ballon d’Or 2026 ayaa la shaacin doonaa 26-ka Oktoobar, xaflad lagu qaban doono magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Be the first to comment