Rasmus Hojlund Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Dhigay Halyeey Arsenal Iyo Chelsea Kadib Guushii Aston Villa.

Rasmus Hojlund ayaa taariikh ka sameeyay Premier League markii uu dhaliyay goolkii furitaanka ee Manchester United ay 2-1 kaga badiyeen Aston Villa Axadii.

Weeraryahanka ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisii fiicnaa isaga oo dhaliyay gool kulankii Aston Villa horyaalka premier League.

Hojlund ayay ku qaadatay dhawr bilood si uu u dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee premier League.

Laakiin haatan waxa uu si joogto ah u dhaliyaa premier League kulamadii ugu dambeeyay ee uu ciyaaray.

Xiddiga ayaa dhaliyay gool kulankii 5-aad oo xidhiidh ah premier Legaue isaga oo gool ka dhaliyay Villa, Tottenham, Wolves, West Ham and Villa mar kale.

Haatan xiddiga da’yarka ah ayaa noqday xiddigii 2-aad ee 21 sano iyo wax ka yar ee rikoodhkaas dhaliya iyada oo xiddiga kale kale yahay xiddigii hore ee kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool & Manchester City ee Nicolas Anelka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga