Manchester United ayaa wajaheysa xaalad lama filaan ah, kadib markii mid ka mid ah hibada ugu da’da yar ee kooxda uu si rasmi ah u codsaday inuu isaga tago naadiga, Sida ay sheegtay warbaahinta Ingiriiska ee talkSPORT, xiddiga da’da yar ee JJ Gabriel, oo 15 jir ah, ayaa Manchester United u gudbiyay codsi uu ku doonayo in laga joojiyo diiwaangelintiisa kooxda, si uu u noqdo ciyaaryahan xor ah.
Go’aanka Gabriel ayaa lama filaan ku noqday Manchester United, gaar ahaan iyadoo ciyaaryahanka loo arko mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee mustaqbalka kooxda.
Halyeeyga Manchester United, Ryan Giggs, ayaa horay Gabriel ugu tilmaamay inuu yahay hibo naadir ah oo aan caadi ahayn, isagoo kooxda kula taliyay inay dadaal kasta sameyso si ay u sii haysato ciyaaryahanka, Arrintan ayaa kusoo beegantay wax yar kadib bandhig cajiib ah oo uu Gabriel sameeyay, Shan maalmood ka hor ayuu saddex gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay ee UEFA Youth League, markaas oo Manchester United ay wajahday Sabah.
Ciyaaryahanka oo lagu naanayso “Messi-ga yar” ayaa haddana go’aansaday inuu doonayo inuu ka dhaqaaqo Old Trafford, iyadoo wararku sheegayaan inuusan ku qanacsanayn xaaladdii uu kooxda ku jiray intii lagu jiray diyaar-garowga xilli ciyaareedka.
Manchester United ayaa weli rajaynaysa inay waqti u hesho sidii ay xaaladda u xallin lahayd, balse Gabriel ayaa lagu soo warramayaa inuu ku adkeysanayo inuu sida ugu dhaqsaha badan uga tago kooxda, isagoo doonaya inuu bilaabo caqabad cusub, Waxaa sidoo kale jira kooxo waaweyn oo xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka, waxaana kamid ah Chelsea, Barcelona iyo Real Madrid.

Inkasta oo Gabriel uu yahay ciyaaryahan si weyn loo qiimeeyo, haddana weli kama uusan ciyaarin kulan rasmi ah oo uu u saftay kooxda koowaad ee Manchester United. Waxa uu kaliya kasoo muuqday qaar kamid ah kulamadii saaxiibtinimo ee diyaar-garowga xilli ciyaareedka, Arrintu waxay noqon kartaa mid adag dhinaca sharciga, maadaama Manchester United aysan kaligeed awood u lahayn inay joojiso diiwaangelinta ciyaaryahanka da’da yar, Xeerarka Premier League ayaa dhigaya in diiwaangelinta ciyaaryahan da’yar lagu burin karo oo keliya marka ay ogolaadaan kooxda, ciyaaryahanka iyo waalidka ama masuulka sharci.
Be the first to comment