Xiddigii hore ee Liverpool Vladimir Smicer ayaa tababaraha Manchester United Michael Carrick ugu baaqay inuu kalsooni dheeraad ah siiyo weeraryahanka Benjamin Sesko, islamarkaana fursad joogto ah ku bilaabo kulamada Premier League.
Sesko, oo ah weeraryahanka dhexe ee dabiiciga ah ee kaliya ee khibradda sare leh ee kooxda Man United xilligan, ayaan weli hal kulan Premier League ah ku bilaaban xilli ciyaareedkan. Carrick ayaa inta badan weerarka dhexe ka ciyaarsiiyay Matheus Cunha, halka Joshua Zirkzee uu sidoo kale booskaas ka ciyaari karo.
23-jirka reer Slovenia ayaa Manchester United ugu soo biiray RB Leipzig xagaagii 2025, iyadoo kooxda ay ku bixisay £73.7 milyan, wuxuuna xilli ciyaareedkan dhaliyay 2 gool 6 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada. Waxa uu kusoo bilowday Champions League iyo Carabao Cup.
Smicer ayaa sheegay in Sesko uu awood u leeyahay inuu ku tartamo Golden Boot-ka Premier League, haddii Carrick uu si joogto ah ugu kalsoonaado oo uu kulamada bilaabo, isagoo xusay dhererkiisa, xawaarihiisa iyo awooddiisa gooldhalinta, Smicer wuxuu sidoo kale tilmaamay goolkii madax ee Sesko uu ka dhaliyay Everton kadib markii uu beddel kusoo galay, isagoo sheegay in weeraryahanku u baahan yahay inuu ka faa’iidaysto fursad kasta oo uu helo.
Si kastaba, Smicer wuxuu Sesko kula taliyay inuu noqdo mid si weyn ugu dagaallama booskiisa, isla markaana qaab ciyaareedkiisa ku qanciyo Carrick inuusan mar dambe kursiga keydka dhigin.
Wuxuu sheegay in Sesko marka uu fursad helo uu muujiyo inuu yahay ciyaaryahanka ay tahay in lagu aamino weerarka, isagoo aan ku ekaan kaliya goolasha, balse sidoo kale ka qayb qaata cadaadiska iyo shaqada weerarka.
Be the first to comment