Barcelona ayaa mar kale soo bandhigtay bandhig cajiib ah, iyadoo Raphinha uu dhaliyay hat-trick, halka Lamine Yamal uu sameeyay laba caawin, taasoo kooxda ka caawisay inay sii waddo guulaheeda 100% ah tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Raphinha ayaa xilli ciyaareedkan ku jira xaalad heer sare ah, waxaana uu haatan gaaray 14 gool iyadoo weli lagu jiro bartamaha bisha Sebtembar, Labada xiddig ee Barcelona, Raphinha iyo Lamine Yamal, ayaa ilaa hadda si wadajir ah u sameeyay 31 dhalin & caawin 8 kulan oo ay ciyaareen, Raphinha: 17 isku darka caawinta & dhalinta , si lamid ah Lamine Yamal: 14 G/A.
Barcelona ayaa ilaa hadda La Liga ka dhalisay 31 gool 7 kulan gudahood, iyadoo tiradan ay ka mid yihiin goolasha is-dhalinta, Taariikhda La Liga, kaliya hal koox ayaa ka dhalisay goolal ka badan Barcelona kadib 7 kulan oo xilli ciyaareed ah. Sevilla ayaa xilli ciyaareedkii 1940/41 dhalisay 40 gool.
Lamine Yamal ayaa sidoo kale sii wada jebinta rikoodhada da’da yar, Waxa uu Barcelona u sameeyay 51 caawin 159 kulan oo uu kooxda u saftay dhammaan tartamada, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee La Liga gaaray 50 caawin tan iyo ugu yaraan xilli ciyaareedkii 2013/14.
Rikoodhkii hore waxaa haystay Vinícius Júnior, kaas oo Real Madrid u sameeyay caawintiisii 50-aad isagoo 22 sano iyo 298 maalmood jir ah, Raphinha ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Barcelona 20-kii sano ee lasoo dhaafay ee La Liga ka dhaliya hat-trick qumman (perfect hat-trick), taasoo ka dhigan inuu dhaliyay gool lugta midig, lugta bidix iyo madax.
Ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee Barcelona sidaas sameeya wuxuu ahaa Luis Suárez, kaas oo Córdoba ka dhaliyay hat-trick noocaas ah bishii May 2015, Raphinha ayaa sidoo kale hadda La Liga ka dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkan. Qarnigan 21-aad, hal ciyaaryahan oo keliya ayaa ka dhaliyay wax ka badan 11 gool kadib 7-da kulan ee ugu horreeya kooxdiisa: Cristiano Ronaldo, oo 13 gool dhaliyay bilowgii xilli ciyaareedkii 2014/15.
Lionel Messi ayaa isna 11 gool dhaliyay 7-dii kulan ee ugu horreeyay Barcelona xilli ciyaareedkii 2017/18, Raphinha iyo Lamine Yamal ayaa Barcelona ka dhigay koox weerar ahaan si weyn looga hadal hayo xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment