Sidoo Ayuu ku dhamaaday Tartanka Gooldhalinta Koobka Africa?

Waxa la soo afjaray tartanka koobka Africa oo ahaa tartan xiiso iyo xamaasad leh intii uu socday.

Waxa jiray xiddigo badan oo magac ku leh qaarada kuna tartamayay gool dhalinta koobka.

Si kasta ha ahaatee waxa la yaab leh in gooldhalinta koobka Africa loo caleemo saaray gooldhaliyaha tartanka.

Xiddiga daafaca garabka uga ciyaara xulka Equatorial Guinea ayaa ku guulaystay gool dhalinta koobka Africa isaga oo dhaliyay 5 gool.

Xiddigaha Gelson Dala, Mostafa Mohamed ayaa isku mid ahaa kuwaas oo dhaliyay min 4 gool.

Isku soo wada duub xiddiga Emilio Nsue ayaa loo caleemo saaray xiddiga ugu goolasha badan tartanka koobka Africa ee soo dhamaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga