VIDEO:- Archivo VAR oo sheegtay in Atlético Madrid uu mudneyd kaar cas dhacdadii Valverde

Shabakadda Archivo VAR, oo ku takhasustay falanqaynta go’aamada garsoorayaasha ee La Liga, ayaa ka hadashay dhacdo muran badan dhalisay oo ku saabsan Fede Valverde intii uu socday kulankii Real Madrid iyo Atlético Madrid, Shabakadda ayaa sheegtay in Lee Kang-in uu kabtiisa ku dhuftay canqowga Valverde, isla markaana uu qalloociyey cagta ciyaaryahanka Real Madrid.

Archivo VAR ayaa xustay in Lee Kang-in uusan xilligaas haysan wax fursad ah oo uu kubadda ku ciyaaro, sidaas darteedna ay dhacdadu, sida ay shabakaddaasi qiimeysay, u qalantay kaar cas oo toos ah, Si kastaba, garsoore Ortiz Arias ayaa go’aankaas qaadan waayay, waxaana la sheegay inuusan xitaa siin Lee Kang-in kaarka jaallaha ah.

Sidoo kale, Trujillo Suárez, oo ahaa garsooraha VAR, ayaa lagu dhaliilay inuusan garsooraha ugu yeerin inuu dib u eego dhacdada, Archivo VAR ayaa arrintan ku tilmaantay khalad weyn oo la yaab leh oo ka dhacay VAR, iyadoo ku adkaysatay in faragelintaasi ay ahayd mid u qalanta in ciyaaryahanka Atlético Madrid loo diro qolka labiska.

Kulanka ayaa ka tirsanaa kulamada toddobaad ee La Liga, waxaana lagu ciyaaray garoonka Metropolitano.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga