Wariyaha suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano ayaa faahfaahin cusub ka bixiyay mustaqbalka da’yarka Manchester United, JJ Gabriel, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu doonayo inuu isaga tago kooxda, Gabriel oo 15 jir ah ayaa loo arkaa mid ka mid ah da’yarta ugu tayada badan ee Manchester United soo saartay, waxaana xiiseynaya kooxo badan oo waaweyn, gaar ahaan Barcelona iyo Real Madrid.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in Gabriel iyo dadkiisa ay Barcelona u safreen si ay wadahadal toos ah ula yeeshaan kooxda reer Catalonia. Hase yeeshee, Romano ayaa sheegay in xogtaasi aysan sax ahayn, Romano wuxuu caddeeyay in JJ Gabriel laftiisu uusan Barcelona u tegin, isla markaana uusan si toos ah ula kulmin madaxda ama tababarka Barcelona.
Wuxuu yiri:- “Xogtaydu waxay tahay in JJ Gabriel uusan si toos ah, qof ahaan, wadahadal ula yeelan Barcelona.”
Romano ayaa sheegay in wadaxaajoodyada socda ay yihiin kuwo ay wadaan qoyska Gabriel, wakiilladiisa iyo kooxdiisa, kuwaas oo la xiriiraya Barcelona, Real Madrid iyo kooxo kale si loo ogaado halka ugu habboon ee mustaqbalkiisa, Romano wuxuu sheegay in Spain ay tahay meesha hadda u muuqata midda ugu macquulsan haddii Gabriel uu ka tago Manchester United, iyadoo Barcelona iyo Real Madrid labaduba ay horey ula xiriireen dhinacyada ciyaaryahanka.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in aysan weli jirin heshiis la gaaray, isla markaana Gabriel laftiisu uu weli sugayo inuu ogaado kooxda ugu wanaagsan mustaqbalkiisa.
Romano wuxuu yiri: “Real Madrid, Barcelona iyo kooxo kale ayaa ku jira tartanka. Spain ayaa aad ugu badan inay noqoto halka uu aado, laakiin kooxo kale ayaa sidoo kale tartanka ku jira, Ciyaaryahanka, qoyskiisa iyo wakiilladiisa ayaa ka wada hadlaya mustaqbalka, Laakiin weli ma joogno marxalad uu ciyaaryahanku safar u galo si uu heshiis u soo gabagabeeyo,” ayuu yiri Romano.
Sidaas darteed, mustaqbalka JJ Gabriel weli lama go’aamin, iyadoo Barcelona iyo Real Madrid ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya, halka ciyaaryahanka iyo qoyskiisu ay qiimeynayaan xulashada ugu habboon ee mustaqbalkiisa.
Be the first to comment