José Mourinho oo si kulul uweeraray Garsoorihii ciyaartii derby Madrid & sheegayna in Real badin laheyd

Tababaraha Real Madrid José Mourinho ayaa si kulul uga hadlay garsoorkii kulankii ay Real Madrid 2-1 kaga adkaatay Atlético Madrid, isaga oo su’aal geliyay qaar ka mid ah go’aannadii garsooraha iyo VAR, Mourinho ayaa shirkii jaraa’id ee ciyaarta kadib sheegay in Real Madrid ay qeybtii labaad awood u lahayd inay ciyaarta si fudud u badiso, balse uu aaminsan yahay in go’aannada garsoorka ay saameyn ku yeesheen kulanka.

Mourinho ayaa sheegay in magaca garsooraha la shaaciyay toddobaad ka hor ciyaarta, halka uu sheegay in caadi ahaan la sameeyo muddo ka gaaban taas, Waxa uu sidoo kale dhaliilay in garsooraha ciyaarta loo magacaabay uu ahaa 41 jir aan ahayn garsoore caalami ah, isaga oo sheegay in laga yaabo inuusan lahayn khibradda iyo heerka looga baahan yahay kulan Derby Madrid ah.

Mourinho wuxuu si gaar ah u xusay garsooraha VAR-ka Trujillo, isaga oo sheegay inuu garanayo taariikhda go’aannada VAR ee kulamadii hore ee Real Madrid, Wuxuu tusaale u soo qaatay kulamadii Real Sociedad, Osasuna iyo Girona, isaga oo sheegay in go’aanno badan oo muran dhaliyay ay Real Madrid kasoo horjeedeen.

Markii la weydiiyay kaarka cas ee Huijsen, Mourinho wuxuu qirtay inuusan weli si fiican u daawan muuqaalka dhacdada, Wuxuu sheegay in haddii qaladku ka dhacay bannaanka xerada ganaaxa, ay ahayd in la bixiyo laad xor ah iyo kaar cas, halka haddii uu gudaha xerada ka dhacay ay ahayd rigoore, iyadoo kaarka cas uu ku xirnaan lahaa nooca qaladka iyo ujeeddadiisa.

Mourinho ayaa sidoo kale sheegay inuu filayay inuu kusoo laabto La Liga oo ka duwan tii uu sannado ka hor ka tagay, Waxa uu xusay dhacdooyin dhowr ah oo uu u arkay inay Real Madrid saameeyeen toddobaadyadii lasoo dhaafay, isagoo tilmaamay gool laga diiday Osasuna, rigoore kubadii San Sebastián ka dhacday iyo dhacdooyin kale oo uu ku tilmaamay kuwo muran badan.

Mourinho wuxuu sheegay in hadafka Real Madrid uu yahay inay ku jirto kaalinta koowaad, balse uu xilli-ciyaareedku weli bilow yahay.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dhammaadka xilli-ciyaareedka uu yahay waxa ugu muhiimsan, maadaama ay weli jiraan kulamo badan oo la ciyaari doono, Inkasta oo Real Madrid laga badiyay, Mourinho wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka, niyadda iyo isku duubnida ciyaartoydiisa, gaar ahaan qeybtii hore ee ciyaarta, Wuxuu sheegay inuusan ciyaartoydiisa ku eedeynayn natiijada, isagoo tilmaamay inaysan sahlanayn in koox ay kubadda haysato ama la joojiyo marka kooxda kale leedahay ciyaaryahan dheeraad ah.

Markii la weydiiyay haddii arrinta Negreira ay dib usoo laabatay, Mourinho wuxuu si jees-jees ah uga jawaabay isagoo yiri: “Negreira ma joogo hadda, miyaa?” Kadib wuxuu sameeyay tilmaamo wajigiisa ah oo muujinayay yaab, isagoo hadalkiisa ku xiray arrintaas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga