RASMI:- Vinicius Junior oo si rasmi ah u shaaciyay inuu guursan doono Virginia Fonseca

Xiddiga kooxda Real Madrid, Vinicius Junior, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu guursan doono saaxiibtiis reer Brazil ee caanka ah Virginia Fonseca, taasoo tallaabo cusub u ah xiriirkooda, Virginia Fonseca ayaa baraha bulshada ku wadaagtay sawir ay iyada iyo Vinicius Junior ku muujinayaan faraantiyada is-qaba ee gacmahooda, iyadoo xaqiijisay inay hadda si rasmi ah u yihiin lamaane is-doortay.

Labadan qof ayaa xiriirkooda muddo ku jiray indhaha shacabka, waxaana marar badan lagu arkay munaasabado waaweyn oo ka dhacay magaalada Madrid, Dhawaan ayay si wadajir ah uga qeyb galeen tartanka Formula 1 ee Madrid, halkaas oo lagu arkay iyagoo gacmaha is haysta, isla markaana la kulmay qaar ka mid ah darawallada tartanka oo ay ka mid yihiin Max Verstappen iyo Gabriel Bortoleto.

Virginia ayaa sidoo kale Sabtidii tagtay garoonka Santiago Bernabeu, halkaas oo ay daawanaysay Real Madrid oo 4-1 kaga adkaatay Rayo Vallecano, Wararka ayaa sheegaya in xiriirka Vinicius iyo Virginia uu socday muddo ku dhow hal sano, iyadoo labadooduba hadda si rasmi ah u muujiyay tallaabada cusub ee ay qaadeen.

Virginia Fonseca waa influencer caan ah oo reer Brazil ah, waxaana ay leedahay in ka badan 35 milyan oo taageerayaal ah baraha bulshada, gaar ahaan YouTube, Dhanka kale, xiriirkooda ayaa noqday mid si weyn looga hadlo Brazil iyo Spain, iyadoo Virginia ay sidoo kale nolosheeda qoyska iyo saddexdeeda carruur ah ku dhex dartay nolosha Vinicius ee Madrid.

Haddaba, xiddiga Real Madrid ayaa hadda wajahaya marxalad cusub oo noloshiisa ah, iyadoo guurku uu noqonayo tallaabada xigta ee xiriirka isaga iyo Virginia Fonseca.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga