”Marabaan iney Guuldareysato Manchester United”, Garsoorka Premier league oo si adag loo eedeeyey

Tababaraha Manchester United Michael Carrick ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee kooxda ka walwal gelinaya aysan ahayn hadallada iyo buuqa ka dhashay natiijooyinka, balse ay tahay in kooxda ay u baahan tahay inay hesho guulo badan.

Carrick ayaa yiri: “Buuqa? Maya, Waxa i dhibaya waa inaan rabno natiijooyin ka wanaagsan, Uma malaynayno in wax walba ay qumman yihiin. Waxaan u baahanahay inaan badinno kulamada.”

Tababaraha ayaa sidoo kale amaanay taageerayaasha Manchester United, isagoo sheegay inay mar kale muujiyeen taageero heer sare ah:- “Taageerayaashu maanta mar kale waxay ahaayeen kuwo heer sare ah, waana inaan siinnaa wax ay ku sii qayliyaan oo ay u dabaaldegaan.”

Dhanka kale, Álvaro Arbeloa, oo la hadlay Sky Sports, ayaa si weyn u dhaliilay go’aannadii garsooraha intii uu socday kulanka.

Arbeloa ayaa sheegay inuu dareemay in go’aannada garsooruhu inta badan ay dhinaca Manchester United u janjeereen:- “Go’aan kasta wuxuu ahaa mid uhiilinaya iyaga, Waxaan ogaa kulankii Manchester City kadib inaysan jeclayn Manchester United inay guuldarreysato.”

Arbeloa ayaa intaas ku daray in kulanka ay jireen dhacdooyin badan oo uu u arkayay in Manchester United loo hiiliyay, isaga oo tusaale u soo qaatay qalad uu sheegay inuu dhacay markii Harry Maguire uu galay qalad.

Hadallada labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli Manchester United ay wajahday cadaadis ku saabsan natiijooyinkeeda, iyadoo Carrick uu qirtay in kooxda ay u baahan tahay inay si degdeg ah u hesho guulo iyo natiijooyin wanaagsan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga