Xulka Qaranka Ivory Coast Oo Iska Xaadirisay Final-ka Koobka Africa, Nigeria Ayay Blansadeen.

Xulka qaranka Ivory Coast ayaa iska xaadiriyay final-ka tartanka koobka Africa iyaga oo markii 5-aad ee taariikhdooda iska xaadiriyay final-ka tartanka.

Xulka Ivory Coast oo si mucjiso leh uga Gudbiay Wareegii Group-yada koobkii adduunka ayaa iska xaadiriyay Final-ka koobka.

Xulka Ivory Coast ayaa garaacay xulka DR Congo kulan aad u adkaa oo ay labada xul si cajiib ah u ciyaareen.

Kulanka qaybtiisii hore ayay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay iska dhaliyaan goolal.

Qaybtii dambe ayay labada xul sii wadeen dadaalada ay doonayaan iyaga oo doonayay in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 65-aad ayuu xulka Ivory Coast dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Sebastien Haller oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Ivory Coast markii 5-aad ee taariikhdooda iska xaadiriyeen final-ka koobka Africa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga