Xulka Nigeria Oo Iska Xaadiriyay Final-ka Tartanka Koobka Africa.

Xulka qaranka Nigeria ayaa iska xaadiriyay Final-ka tartanka koobka Africa kadib markii ay garaaceen xulka South Africa.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada xul isku waydaarsadeen fursadaha ay samaynayaan xul walbana doonayay in uu gool dhaliyo.

Daqiiqadii 67-aad ayuu xulka Nigeria dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga William Troost-Etong kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xilli uu xulka Nigeria u muuqday mid guul gacanta ku dhigaya ayay wax walba is badaleen iyada oo xiddiga Teboho Mokoena dhaliyay goolka bar-baraha daqiiqadii 90-aad.

Labada xul ayaa isla gaadhay wakhtiga dheeriga ah si ay u kala baxaan kadib markii ay bar-baro ku dhamaysteen 90-kii daqiiqo.

Xulka Nigeri ayay ugu dambayn rikoodhayaal 4/2 ah ku raacday guushu waxana ay iska xaadiriyeen final-ka tartanka koobka Africa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga