Chelsea Oo Garaacday Aston Villa Iskana Xaadirisay Wareega 16-ka FA Cup-ka.

Chelsea ayaa awooday inay 3-1 kaga badiso kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa wareega afraad ee FA Cup-ka.

Goolka ciyaarta oo ay marti galisay Villa Park, ayaa waxaa ku bilaabay Connor Gallagher daqiiqadii 11-aad, ka dib markii uu kubad ka toogtay gudaha xerada ganaaxa.

Nicholas Jackson ayaa ku guuleystay inuu daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta goolkii labaad udhaliyo Blues,kadib kubad madax aheyd oo uu la kulmay kubad uu ka helay saaxiibkiis Malo Gusto.

Enzo Fernandes ayaa dhameystiray seddexleeyda Chelsea daqiiqadii 54aad, ka dib markii uu si cajiib ah u dhaliyay laad xor ah oo ka baxsan xerada ganaaxa.

Ciyaartoyda Aston Villa ayaa awooday in ay farqiga goolasha ku yareeyaan daqiiqadii 90-aad+1-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Moussa Diaby,balse taasi kuma filna in ay Blues ka hor istaagto u gudbista wareega xiga ee tartanka.

Chelsea ayaa kullanka 5-aad (wareega 16-ka) la ciyaari doonta Leeds United 28-ka Febraayo garoonka Stamford Bridge.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga