Xulka Ivory Coast Oo Daqiiqadihii Geerida Garaacay xulka Mali Iskana Xaadiriyay Semi-Final-ka Koobka Africa.

Xulka Qaranka Ivory coasta ayaa Garaacay Xulka Mali kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka tartanka Koobka Africa.

Kulanka ayaa ahaa mid uu ku fiican yahay xulka Qaranka Mali.

Xulka Mali ayaa maamulayay ciyaarta waxana ay xulk qaranka Ivory Coast ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn.

Xulka Ivory Coast ayaa dhinaciisa samaynayay fursado badan oo ay ku doonayeen goolal.

Xulka Ivory Coast ayaa daqiiqadii 43-aad kaadhka cas looga taaagay Xiddiga Kossounou.

Xulka Qaranka Mali ayaa Dhaliyay Goolka daqiiqadii 71-aad waxana u Dhaliyay Xiddiga Dorgeles.

Xilli ay cid walba filaysay in uu xulka Mali badinayo marka la eego in uu Xulka Ivory Coast 10 xiddig ku ciyaarayo waliba gool looga horeeyo Waxa ay daqiiqadii 90-aad dhaliyeen goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Simon Adingra kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Labada xul ayaa iska aaday 30 daqiiqo oo dheeraad ah si ay u kala baxaan midkoodna ugu gudbo wareega xiga ee tartanka.

Iyada oo labada xul isku diyaarinayaan rikoodhayaal ayuu xulka Ivaroy Coast daqiiqadihii ugu dambeeyay dhaliyeen goolka guusha waxana u dhaliyay xiddiga Oumar Diaktite kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 uu xulka Ivory Coast isaga xaadiriyay wareega xiga ee tartanka koobka Africa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga