Hordhac: Arsenal Vs Liverpool: Kulanka Ugu Xiisaha Badan Todobaadkan

Kulanka ugu xiisaha badan premier Legaue ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha horyaalka dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wadato hogaaminta horyaalka.

Kulanka: Arsenal Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona kulankii shanaad ee taariikhda horyaalka Ingiriiska la ciyaaro 200 oo jeer.

Arsenal ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka oo ay la ciyaartay Liverpool, iyadoo labaduba ay ku kulmeen Emirates bishii July 2020 iyo October 2022.

Gunners ayaan shabaqeeda ilaashan mid ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay kooxaha waaweyn, waxaana laga dhaliyay 44 gool.

Liverpool ayaa 53 gool ka dhalisay Arsenal tartamada oo dhan intii uu hogaaminayay Jurgen Klopp, 8 gool ayaa ka badan inta ay ka dhalisay kooxaha kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga