10 Xiddig Oo Barcelona Ah Oo Garaacay Xulka Alaves

Kooxda FC Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday guulaha xidhiidhka ah iyaga oo garaacay kooxda Deportivo Alaves kulan ka dhacday garoonka Mendezorroza Stadium, kulamadii 23aad ee Horyaalka Kubadda Cagta Spain. .

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid dhexdhexaad ah oo ay labada kooxood isku dhaafsadeen kubbad haynta iyo weeraro halis ah, daqiiqadii 22-aad ayay Barcelona gool dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay mid ay labada kooxoodba ku doonayeen in ay ku guulaystaan ​​isla markaana ay saddexda dhibcood ku hantiyaan, wuxuuna Gundogan sii watay wacdarihiisii, wuxuuna daqiiqadii 49-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Alaves ayaa daqiiqadii 51-aad ku guulaystay in ay soo yarayso farqiga goolasha waxaana u dhaliyay goolka xiddiga Samu Omorodion kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xiddiga reer Brazil ee Vitor Roque ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga Ilkay Gundogan dhaawacmay.

Ciyaaryahan Roque ayaa daqiiqadii 63-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad ee ciyaarta u dhaliyay kooxda Barcelona ka hor inta aan kaadhka cas loo taagin xiddiga lagana saarin ciyaarta.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka Spain,iyadoo leh 50-dhibcood,halka Real Madrid ay horyaalka ku hogaamineyso 57-dhibcood,halka kooxda Alaves ay ku jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 26-dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga