Xulalka Tirada Ugu Badan Ku Guulaystay Koobka Africa Xulalka Isugu Hadhay Semi-final-ka Tartanka.

waxa habeen dambe la ciyaari doonaa kulamada koobka Africa oo meel xiiso leh maraya.

Tartanka ayaa maraya Sem-final-ka tartanka iyada oo 4 xul isugu hadheen si ay ugu guulaystaan koobka sanadkan.

Xulalka Nigeria, Ivory Coast, DR Congo iyo South Africa ayaa isugu soo hadhay tartanka iyaga oo ku tartamaya ku guulaysiga koobka.

Xulka Nigeria ayaa ah xulka tirada ugu badan ku guulaystay koobka xulalka ku hadhay tartanka iyaga oo ku guulaystay 3 jeer.

Dhinaca kale xulka Ivory Coast ayaa horay tartanka ugu guulaystay 2 jeer sidoo kale xulka DR Congo ayaa horay ugu guulaystay tartanka.

Xulka South Africa ayaa isaguna hal mark ku guulaystay koobka Africa.

Dhamaantood xulalka ayaa u gaajaysan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen koobka Africa xiddig kalena ugu dari lahaayeen maaliyadooda.

Image

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga