Pochettino Oo U Jawaabay Taageerayaasha Chelsea Ee Dalbanaya In Shaqada Laga Caydhiyo.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Pochettino ayaa ka hadlay cadaadiska saaran iyo waliba mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

Taageerayaal badan ayaa dalbanaya in shaqada laga caydhiyo Pochettino Kadib natiijooyina xun ee ay kooxdu gaadhay kulamadii ugu dambeeyay.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo guuldaro 4 gool looga dhaliyay la kulmay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Pochettino: “Taageerayaashu waxay u baahan yihiin inay samraan. Waxaan u baahanahay inaan helno waddo aan ku guuleysan karno”.

“Waxaan u baahanahay taageerada, dabcan, waxaan dalbaneynaa taageerada kooxda, ciyaartoyda.”

“Waan garanayaa tayada ciyaartoyda. Waxay qaadataa wakhti in la dhiso koox. Waa xaqiiqda”ayuu sii raaciyay.

“Waan ka xumahay qaabka aanu u ciyaarn qorshuhuna ma ahan sida aan u ciyaarno”.

“Waxaan u baahanahay inaan sii wadno, ma lumin karno ka go’naansheheena kadib 2 guuldaro”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*