Real Madrid: Waxaan dooneynaa inaan la soo wareegno Mbappe, laakiin….

Waxa ay u muuqataa in Real Madrid ay aad u doonayso in ay la soo saxiixato xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo uu heshiiskiisa Paris Saint-Germain dhacayo xagaagan.

Sida xogtay saxafiga Fabrizio Romano, Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa Mbappe, balse waa inuu ogolaadaa shuruudaha kooxda Cadaanka.

Ilaha ayaa intaa ku daray in gudaha Real Madrid ay aaminsan yihiin in Mbappe uu diyaar u yahay inuu ka tago Paris Saint-Germain oo ku biiro kooxda caasimada Spain.

Ilaha ayaa soo gabagabeeyay in Mbappe uu dhawaan ku dhawaaqi doono go’aankiisa ku saabsan mustaqbalkiisa mana sugi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mbappe ayaa la filayaa inuu helo mushaar aad uga hooseeya mushaarka uu ka qaato Paris Saint-Germain.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga