Xulalka Isugu Hadhay Semi-final-ka Tartanka Koobka Africa.

Waxa la gaadhay wareega Semi-final-ka tartanka koobka Africa ee ka socda dalka Ivory Coast.

Tartanka ayay isugu soo hadheen 4 xul kuwaas oo mid walba ku tartamaya ku guulaysiga horyaalnimada qaarada Africa.

Xulalka South Africa iyo Nigeria ayaa ku kulmi doona kulan adag oo si weyn loo sugayo.

Dhinaca kale xulalka Ivory Coast ee marti galinaya tartanka ayaa la ciyaari doonta xulka mucjisada ah ee DR Congo.

Waxa ay 4-tan xul laba ka mid ah isaga hor iman doonaan final-ka koobka halka ay labada xul ee kale ku tartami doonaan kaalinta 3-aad iyo 4-aad.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga