Arsenal Mise Liverpool? Merson Oo Badalay Saadaashiisii Kulanka Liverpool Iyo Arsenal Ee Maanta.

Paul Merson ayaa aad ugu kalsoonaa in ay Arsenal garaaci doonto Liverpool todobaadkan ka hor inta uuna arkin Reds oo xasuuqday Chelsea kulan ka tirsanaa premier League.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay garoonka Anfield iyaga oo 4-1 ku xasuuqay Blues, iyaga oo abuuray fursado badan oo goolal kale ka dhalin karayay kooxda Mauricio Pochettino.

Halyeeyga kooxda Arsenal Merson ayaa aad ula dhacay wixii uu ka arkay Liverpool, gaar ahaan kuwa ay jecel yihiin da’yarka garabka midig ee Conor Bradley kaas oo dhaliyay.

Xiddigii hore ayaa aad ula dhacsan Reds mana arko in ay kooxdiisii hore ee Arsenal ay garaaci karto Kulanka maanta ee premier League.

Merson ayaa u sheegay Sportskeeda: ‘Tani waa mar kale ciyaar ay qasab ku tahay in ay badiso Arsenal. Haddii laga badiyo, waxay ka baxeen tartanka horyaalka Premier League, barbar dhacna sidoo kale ma fiicna, sidaas darteed gabi ahaanba waa inay ku guuleystaan”.

“Ka hor kulankii Chelsea, waxa aan ku qanacsanaa in ay Arsenal si dhib yar ku badinayso laakiin fikiraygu wuu is badalay, Reds waxa ay ahayd koox aan la rumaysan karin kulankii chelsea”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga