Arsenal Mise Liverpool? David Seaman Oo Saadaaliyay Kulanka Adag Ee Axada.

David Seaman ayaa ku taageeray Arsenal in ay soo bandhigto qaab ciyaareed fariin ah oo ay Liverpool guul ka gaarto kulanka adag ee todobaadkan ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa marti galinaysa Liverpool kulan ka tirsan horyaalka premier League iyada oo doonaysa in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso Liverpool.

“Waa kulan fariin ah, marka aad eegto Liverpool waxa aan arkaa koox ku jirta qaab ciyaareed cajiib ah, waxa aan arkaa koox weyn, in aan dhibco ka qaadano waxa ay noqon doontaa wax weyn”ayuu yidhi Goolhayihii hore ee Arsenal.

“Waxa aan arkaa in ay noqoto sidii ciyaartii Man City oo kale, markii ay City Timid Emirates waxa ay ahayd guul fariin ah waxana ay Arsenal keentay in ay dadku ka hadlaan”.

Arsenal ayaa 5 dhibcood ka hoosaysa Liverpool oo hogaaminaysa horyaalka premier League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga