Xiddig U Ciyaara Juventus Oo Loo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Horyaalka Talyaaniga Bishii January

Weeraryahanka Juventus Dusan Vlahovic ayaa si rasmi ah loo magacaabay ciyaaryahankii bishii January ee Lega Serie A, waana markii labaad ee uu ku guuleysto abaalmarinta.

24 jirka reer Serbia ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah bishii la soo dhaafay isagoo dhaliyay lix gool islamarkaana caawiyay hal gool afartii kulan ee horyaalka.

Xididada qaab ciyaareedkiisa wanaagsan, haddii uu sii wado waxay noqon kartaa mid muhiim u ah tartanka horyaalka ee juventus xilli ciyaareedkan.

Vlahovic wuxuu horey ugu guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka bisha ee Lega Seria bishii December 2021, markaasoo uu dhaliyay afar gool midna caawiyay afartii kulan ee horyaalka isaga oo jooga Fiorentina.

Lega Serie A ayaa maanta xaqiijisay in Vlahovic loo doortay ciyaaryahankii ugu fiicnaa bishii January isaga oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ay Juventus ka badisay Sassuolo, Lecce iyo Salernitana.

Weeraryahanka Serbia ayaa haatan noqday mid ka mid ah seddexda ku guuleystay abaalmarinta labo kooxood oo kala duwan, isagoo ku biiray Hakan Calhanoglu iyo Paulo Dybala.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga