Supercomputer Oo Sameeyay Saadaashii Ugu Dambaysay Ee Horyaalka Premier League, Kooxdee Ku Guulaysanaysa?

Supercomputer ayaa sameeyay saadaashii ugu dambaysay ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Isaga oo qiimayanay qaab ciyaareedka kooxaha iyo kulamada dhiman Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay in ay difaacato horyaalka premier League.

Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay in ay 85 dhibcood ku qaado horyaalka iyaga oo 2 dhibcood kaga qaadi doona Liverpool oo loo saadaaliyay kaalinta 2-aad.

Kooxda Arsenal ayuu Supercomputer u saadaaliyay kaalinta 3-aad iyaga oo 77 dhibcood heli doona Kooxda Tottenham ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 4-aad ee kala saraynta.

Man United ayaa loo saadaaliyay kaalinta 5-aad halka ay Chelsea ku dhamaysan doonto kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka.

Halkan Sawirka kaga bogo saadaalinta Supercomputer

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga